Al-Shabaab Oo Tobaneeyo Askari Ka Dishay Ciidamada Puntland

0
567

 

Boosaaso (geeska) Maamul gobaleedka Puntland ayaa sheegay in weerar xoogan oo ay ku soo qaadeen kooxaha Al-shabaab in ay kaga dhinteen tiro kabadan toban askari. Waxaanay tibaxeen inay difaac xoogan ka galeen sidii ay weerarkaas iskaga caabin lahaayeen.

Sida ay warbaahinta u sheegeen afhayeenka maamulka Puntland Maxamuud Caydiid iyo wasiirka Aminga Khaliif Ciise  waxaanu afhayeenku sheegay inta badan ee ciidamada ka dhintay in ay Al-shabaab la eegteen banbooyin.

Sida oo kale Wasiirka amaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh in ay Al-shabaab gaadhsiisay ciidankooda jooga Sugurre, waxaanu sheegay  Al-shabaab ay saqdii dhexe soo weerareen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga Sugurre, isagoo sheegay inuu soo gaadhay khasaare xooggan, iyaguna ay khasaare u geysteen Al-shabaab waxana hadaladiisa kamid ahaa "Dhanka Puntland waxaa dagaalka kaga dhintay 10-askari, dhinaca Al-shabaabna waxaan kaga dilnay toddoba dagaalyahan oo afar ka mid ah maydadkooda aan gacanta ku hayno,"

Afarta mayd ee ka tirsanaa  Al-shabaab ayaa saxaafadda lagu tusay isbitaalka Boosaaso, iyadoo wasiirku uu sheegay in saddex mayd oo kale ay ku aaseen goobtii dagaalku ka dhacay.
Puntland ayaan ka hadlin dhaawacyada soo gaadhay askarteeda balse illaa lix askari oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa yaalla isbitaalka degmada Boosaaso, halkaasoo lagu daweynaayo, waxaana askartan ay ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Sugurre.
Weerarkan waxa uu ku soo beegmayaa maalin kadib markii Al-Shabaab ay weerarro kala duwan ku qaaday ciidanka dowladda Somaliya ee ku sugan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe, halkaasi oo labada dhinacba uu ka soo gaadhay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.