Madaxweyne Silaanyo Iyo Cabdiraxmaan-Cirro Oo Isla Qaatay In La Qabto Shirka Doodda Qaran Iyo Qodobada Ay Guurtidu Soo Jeediyeen Ee Lagu Ladhay

46
620

xalayHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha wakilada ahna guddoomiyaha xisbiga waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isla qaatay in la qabto shirka doodda qaran ee ay xukuumadu hore uga sastay.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa qabsoomay ka dib markii ay muddooyinkii u dambeeyay waan-waan ka dhex wadeen guddoomiyaha guurtida Saleban Maxamuud Aaden iyo Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe), kuwaas oo aakhirkii ku guulaystay inay shalay kulansiiyaan. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka labada dhinac, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay Saleban-Gaal iyo Xaaji Cabdiwaraabe ay halkaas ku soo bandhigeen qodobo ay sheegeen inay isla soo qaateen guddoomiyaha Golaha wakiilada, oo ay Madaxweyne Siilaanyana u soo jeediyeen inuu aqbalo. Qodobkaas ayaa sida uu warku sheegay waxa ka mid ah in la qabto shirkii doodda qaran, in loo dhiibo Akademiyada nabadda iyo horumarka si ay doodu u noqoto mid dhexdhexaad ah iyo inay ajandaha ka wada tashadaan xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad.

Waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u aqbalay in shirka doodda qaran la qabto islamarkaana loo dhiibo cid dhexdhexaad ah oo ka madaxbanaan xukuumadda iyo mucaaradka, lagana tashado ajandaha.

Geesta kale, guddoomiyaha Golaha wakiilada md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (cirro), ayaa sida ay ilahaas xogogaalka ahi tibaaxeen wuxuu Madaxweyne Siilaanyo uga waramay inaanay wax dhibaato ah oo qarsooni ku jirin dooddaas qaran, maadaama oo ay iclaamiyeen labada xisbi mucaarad oo ah xisbiyo qaran.

Kulankaas waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici,  waxase aan goobta joogin wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay dhif iyo naadir tahay inuu ka maqnaado kulamada uu Madaxweyne Siilaanyo la yeesho masuuliyiinta iyo dadka booqda. Dhinaca Cabdiraxmaan-Cirro ma jirin cid ku wehelisay, waxase goobta ku sugnaa guddoomiyaha Guurtida iyo Xaaji Cabdiwaraabe oo iyagu hawsha dhexdhexaadinta waday.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u cadaysay inaan la qaban Karin dooddaas qaran oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah. Waxase hadda muuqata inay si xawli ah uga soo degtay aragtidaas hore ee ay taagnayd.

 

Comments are closed.