Tafatiraha Wargayska YOOL oo Maalintii Shanaad Ku Xidhan Magaalada Hargeysa

0
815

cuaradHargeysa(Geeska)-Tifaftiraha wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad,  ayaa maalintii shanaad ku xidhan magaalada Hargeysa, ka dib markii xabsiga loo taxaabay maalintii Arbacadii la soo dhaafay. Waxase shalay la soo daayay iyo weriye Khadar Hayaan Xuseen, oo ka tirsan Wargeyskaas oo isna saxafigan xidhan lala qabtay.

Guddoomiyaha ururka Saxaafadda ee SOLJA Xasan Maxamed Yusuf ayaa sheegay inuu labadaas saxafi xidhay wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxaanu sheegay inuu wasiirku u sheegay in laga war sugo inta ay dhammaanayso munaasibadda 18 May, “wuxuu u haystaa wasiirku labada saxafi alaab bakhaar taala.” Ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu sheegay inay ku hungoobeen ergo ay ugu tageen wasiirka arrimaha gudaha, isagoo sheegay inuu wasiirku u cadaystay dagaal saxaafadda madaxabanaan ka dhan ah. Wasiirka oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino eedaha loo jeediyay ayaanay noo suurtogelin.

Geesta kale, ilaa hadda maxkamad lama horkeenin weriyahaas xidhan  oo la sheegay inuu xadhigiisu la xidhiidho  sawir ay isaga iyo saxafiga kale ka qaadeen xubno wasiiro ah oo Arbacadii tagay goobtii ay rabshaduhu ka dhaceen ee bariga Hargeysa. Waxase la ogyahay inay saxafiyiintani liisan u haystaan gudashada waajibaadkooda oo uu sidoo kale distoorku damaanad qaaday.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u muuqata inay taariikhda ku galayso la dagaalanka saxaafadda madaxabanaan, iyadoo shanta bilood ee sannadkan la xidhay saxafiyiin ay tiradoodu gaadhayso lixdan saxafi.