Taariikh  Nololeedkii  Madaxweyne Maxamed Xaaji  Ibraahin Cigaal

0
772

Picture4Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal  wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne ee gobolka Togdheer  15kii bsihii August, sanadkii 1928dii ee hoos iman jiray maamulkii loo yaqaannay British Somaliland

Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal waxaa uu ahaa hoggaamiyihii ururkii xornimadoonka ee waqooyiga Soomaliland ee la oran SYC, wuxuuna madaxka ahaa dhaqdhaqaaqyadii dhinaca siyaasadda ee ka soconayay halkaasi dabayaaqadii sanadihii 1959kii – 1960kii.

26kii bishii June, sanadkii 1960kii markii ay madaxbannaanida heshay Soomaliland, waxaa loo doortay in uu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Somaliland, Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Soomaalida ee rabay in laga fiirsado midowgii labadii gobol ee ay kala gumeysanayeen dalalka Ingiriiska & Talyaaniga & dhismihii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan loo magacaabay Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilalka kala ah;-

1.      Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii

2.      Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963

3.      Ra’iisul wasaarihii madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Dilkii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke isla markaana uu MD. Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaalra’iisul wasaaraha ka ahaa ka dib markii uu dalka si degdeg ah ugu soo laabtay waxaa lagu xukumay xabsi guri, ka dib markii ay talada dalka afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay S/Gaas Max’ed Siyaad Barre.

Intii u dhaxeysay 1976dii-1978dii wuxuu ahaa danjirihii dowladda dhexe ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Hindiya, waxaana wixii ka dambeeyay intii ay talada dalka la wareegeen ciidamadii Soomaaliya muddo 2 jeer ah ayaa xabsiga loo taxaabay.

waxaa Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal loo doortay in uu hoggaamiyo jamuuriyada Somaliland, wuxuuna ku guuleystay in uu hubka ka dhigo maleeshiyadii qabaa’ilka ku dhaqan Soomaliland,waxaanu abuuray hanaan dawladnimo oo nooceedu ku yaryahay qaarada afrika  Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka South Africa taariikhdu markii ay aheyd 03dii bishii May sanadkii 2002da, wuxuuna u suuro galin  in uu aqoonsi u helo  ———– uu madaxda ahaa ee ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka go’day 18kii bishii May sanadkii, 1991kii.
Cigaal waxaa lagu aasay magaalada Berbera ee gobolka  saaxil ,

nirig03@hotmail.com (4440181)