Haweenka Somaliland Oo Madaxweynaha Uga Mahadnaqay Go’aankiisa Ka Qaybgelinta Siyaasada

0
515

Picture5Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mida haweenka Somaliland ayaa ka hadlay dareenkooda la xidhiidhi hadalkii madaxweynuhu ka jeediyey furitaankii shirkii Kulmiye ee ahaa inuu haweenka ka qayb galinaayo siyaasada iyo horumarka.

Haweenkan ayaa ugu mahad celiyey madaxweynaha ku adkaysiga ka qayb gelinta siyaasada ee haweenka, waxaanay ka codsadeen labada gole in la dhaqan galiyo sidii loo meel marin lahaa saamiga haweenka ee siyaasada.

Mid ka mid ah haweenkii madasha ka hadlay ayaa tidhi “waxaanu doonaynaa oo aanu tix raacaynaa madaxweynaha hadalkiisii oo aanu doonayno in aanu baaq u dirno qudbadii uu ka jeediyey golohooda Kulmiye oo ku saabsanaa arrimo u gaara haweenka oo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, waxbarashada iyo dhinaca Kootada siday haweenku u heli lahaayeen tiro u go’an si ay uga qayb galaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo golah deegaanak.”

Iyadoo hadalkiisa sii wadata waxay tidhi, “Markaa waxaanu madaxweynaha ugu hambalyeynaynaa baaqiisaa uu diray iyo ogolaanshaha uu ogol yahay, waxaanu leenahay madaxweyne aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay, haweenka Somaliland-na aad iyo aad ayey u soo dhaweynayaan, waana wixii mar walba ay u halgamayeen inay helaan.”

Ilaa lix haween ah oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka madaxweynaha oo ay uga mahadceliyeen, waxaanay sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin ka qayb galka siyaasadda iyo talada dalka.