Taariikh Nololeedka Marxuum Cabdilaahi Jire Ducale (1928-2014)

0
622

20141222_195359Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa Axadii magaalada Hargeysa ku geeriyooday oo lagu aasay Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, oo ahaa siyaasi caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii rayidka ahaa ee soo maray Jamhuuriyadii Somaliya ee burburtay. Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, wuxuu dhashay sannadkii 1928, waxaanu ifka kaga tagay Hooyo Shukri Cumar Xaashi oo u dhashay 7 wiil iyo afar hablood iyo ubadkii ay sii dhaleen oo ay tiradoodu tahay 26. Marxuum Cabdillaahi Jire, wuxuu sannadkii 10/9/1946 ku biiray dawladii British protectorate oo uu u shaqeeyay muddo sannad ah, isagoo markii dambena u wareegay wadanka Sucuudiga. 18 bilood ka dib markii uu ka soo noqday Sucuudigana wuxuu dib ugu biiray shaqii dawladda, waxaana sannadkii 1951 loo bedelay waaxda Kastamada ee magaalada Berbera oo uu ka shaqaynayay 13 sannadood, waxaana sannadkii 1964 loo doortay Baarlamaankii Somaliya, ka dib markii ay Somaliland iyo Somaliya midoobeen. Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, 1967 markii uu Madaxweynaha Somaliya noqday Cabdirashidi Cali Sharmaarke islamarkaana uu Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal noqday raysalwasaare, waxa loo magacaabay wasiirka horumarinta reer miyiga iyo iskaa wax u qabsada oo uu hayay ilaa bishii February ee 1968, isagoo bishii March 1968  noqday wasiirka maaliyadda isagoo xilkaas hayay ilaa doorashadii 1969. Mudadaas uu ahaa wasiirka maaliyadda waxa Marxuum Jire lagu xasuustaa qorshayaashii horumarineed ee uu u dejiyay nidaamkii maaliyadeed ee Somaliya, isagoo heshiisyo la soo saxeexday dhawr wadan oo uu ka mid ahaa wadanka Jarmalka oo ay heshiiska kala saxeexdeen wasiirkii maaliyadda ee Jarmalka. Isla Bishii March ee sannadkii 1969 waxa uu mar kale ka miq noday Baarlamaankii Somaliya, isagoo mar kale noqday wasiirka horumarinta reer miyiga iskaa wax u qabsada.

Maalintii 15 Oktoobar 1969 ee magaalada Lascanod ee gobalka Sool lagu khaarajiyay madaxweynihii Somaliya, wuxuu Marxuum Cabdillaahi Jire ka mid ahaa weftigii la socday. Markii  21 Oktoobar ee uu Maxamed Siyaad Barre inqilaabka kula wareegay talada wadankii Somaliya, wuxuu Cabdillaahi Jire ka mid ahaa xubno dawladda iyo Baarlamaankii wakhtigaas ka tirsanaa oo lagu xidhay hoygii loo yaqaanay Villa Afgooye ee Muqdisho, waxaanay ka koobnaayeen 24 nin oo 18 ka mid ah la sii daayay, iyadoo lix xubnood oo ay ku jireen Marxuum Jire iyo Marxuum Cigaalna  xabsiga lagu reebay ilaa sannadkii 1974. Hase yeeshe waxa Marxuum Jire  la sii daayay 6 Oktoobar 1974, isagoo sannadkii 1978 bishii Julay u wareegay dhinaca wadanka Sucuudiga oo uu joogay ilaa 1981.

Alle haw naxariiste Marxuum Cabdillaahi Jire, markii ay Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay wuxuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal sanadkii 1993 ka codsaday inuu dib u habayn ku sameeyo waaxaha kastmaada ee Somaliland, halkaas oo uu ka sameeyay horumarka tisqaaday ee ay ilaa maanta ku shaqeeyaan kastamada Somaliland, waxaanu markii uu hawshaas soo fuliyay ka dib uu xilkii iska casilay, isagoo Marxuum Cigaalna ka aqbalay, ugana mahadceliyay sida uu u garab istaagay wakhtigaas adag.

Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, wuxuu ahaa oday samo-talis ah, cibaado badan, dhaqan wanaagsan oo gacan furnaa, waxaanu caan ku ahaa taageerista dadka baahan, isagoo sidoo kale mar walba garab istaagi jiray dhallinyarada kala duwan ee doonaysa inay nolosha horumar ka sameeyaan. Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo umadda Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdillaahi Jire, Allena waxaanu uga baryaynaa inuu naxariista janno ka waraabiyo. Aamin.