Suuriya: Durbaanka Dagaalka Iyo Dareenada UK, Maraykanka Iyo Suuriya

1
709

Picture5Dimishiq(W.Wararka)-Quwadaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa si weyn ugu diyaar garoobaya weerar ay ku qaadaan dawladda Suuriya iyagoo ka jawaabaya sunta kiimikada ah ee lagu eedaynayo inay ciidamada Madaxweyne Bashaar Asad isticmaaleen.

Hase yeeshe dawladda Suuriya ayaa sheegtay inay kala dooranayso laba qodob oo kala ah inay is dhiibto iyo inay iska difaacdo weerar la filan karo inuu kaga iman karo Maraykanka iyo wadamada kale ee reer galbeedka, waxaanay sheegtay inay dooranayso inay is difaacdo.

Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya Waliid Macalim, ayaa salaadii shalay sheegay inay ka yaabin doonaan adduunka haddii la weeraro, “Waxaanu haysanaa laba qodob oo kala ah inaanu is dhiibno ama is difaacno, qodobka labaad ee ah inaanu is difaacno ayaana ah ka ugu haboon.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, waxaanu intaas raaciyay, “Suuriya maaha wax fudud, waxaanu haysanaa difaacyo ka yaabin doona kuwa kale. Dedaalada dagaal ee uu Maraykanku horboodayo waxay u adeegayaan danaha Israaiil iyo qaaciidada Suuriya.”

Waxase uu sheegay inay dawladda Suuriya baadhayaasha Qaramada Midoobay ku garab istaagayso sidii ay hawshooda u gudan lahaayeen, waxaanu sheegay inay Arbacadan maanta dib u bilaabi doonaan. Waxaanu quwadaha reer galbeedka ku eedeeyay inay ka been abuurayaan dawladda Suuriya islamarkaana aanay haynin cadaymo sheegaya inay dawladda Suuriya isticmaashay hubka kiimikada ah.

Geesta kale, Maraykanka ayaa u muuqda inuu u durbaan tumayo in weerar toos ah lagu qaado dawladda Suuriya si talada looga tuuro. Weriyayaasha jooga Washington ayaa soo sheegaya in maammulka Obama uu u muuqdo in uu u durbaan tumayo in uu qaada tallaabo milateri oo ka dhan ah Suuirya.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Mr. Chuck Hagel, ayaa shalay BBC-da u sheegay inay isu diyaariyeen inay fuliyaan tallaabo kasta oo uu qaato Madaxweyne Obama oo ka baaraan degaya waxa uu ka yeelayo Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa isna dawladda Suuriya ku eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikada.

John Kerry ayaa sheegay in dowaladda madaxweyne Bashar Al Asad ay adeegsatay gaaska sunta ah oo toddobaad ka hor lagu weeraray duleedka Dimishiq, caasimadda dalkaas.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyagana shalay la isugu yeedhay si ay uga wada hadlaan talaabadii la qaadi lahaa.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa isna sheegay inay daruuri tahay in la sameeyo wax uu ugu yeedhay ciqaab. Si kastaba ha ahaate waxa muuqda suurtogalnimada inay dawladaha reer galbeedku weerar ku qaadaan Suuriya.

Comments are closed.