Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Maanta Borama U Tago Qalin Jebinta Camuud

1
637

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta Borama u socdaalo, si uu uga qayb galo munaasibad qalin jebin ah oo loo samaynayo arday ka qalin jebinaysa Jaamacadda Camuud.

Madaxweynaha, oo horkacaya raxan ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa la filayaa inuu ardayda ka qalin jebinaysa jaamacadda Camuud guddoonsiiyo shahaadooyinka ay ku mutaysteen waxbarashadooda, waxaana la filayaa inuu halkaas ka jeediyo khudbad la xidhiidha waxbarashada iyo gaar ahaan qalin jebinta ardayda maanta shahaadooyinka la siinayo.

Lama oga in Madaxweyne Siilaanyo u hoyan doono Borama iyo inuu ka soo galab caraabi doono, waxase jira warar sheegaya inuu dhawr habeen ku sugnaan doono magaaladaas si uu u bilaabo xalinta arrimo is huursan oo laga muddo laga sugayay wax ka qabashadooda.

Comments are closed.