Qoraalkani maaha mid dhaliil ku ah Bankiga dhexe ee Soomaaliland, waase talo iyo tilmaan ka mid ah kuwa badan ee Bankiga dhexe isaga oo garasho iyo kartiba u leh aad moodo inuu si uga hurdo. Maaha is muujin iyo in aan dhaleecaynayo masuuliyiinta Bankiga dhexe, waase su’aalo iyo carin muwaadin doonayo inuu ku dareensiiyo hogaanka maaliyadeed ee dalkeenna in aanay wixii laga filayay wali ummada u qaban. Waa qoraal kooban oo soo bandhigaya sida ay u fududahay inuu waajibaadkiisa si hufan u guto Bankiga dhexe iyo muuqaal muwaadinka caadiga ah u soo bandhigaya sida uu Bankiga dhexe ee Somaliland u horumarin karo qaabka uu u maamulo suuqa iyo sicirka lacagaha.
Marka hore aan si kooban u soo bandhigo muhiimadda isbedbedalka sicirka lacagtu u leeyahay dhaqaalaha wadanka. Marka xigta waxaan soo bandhigi hab cusub oo bankiga dhexe ee Somaliland kor ugu qaadi karo maaraynta sicirka lacagaha taasi oo ah tallaabo sari u qaadaysa dhaqaalaha wadanka.
Waynu isku wada raacsannahay in Bankiga dhexe yahay hay’adda ugu muhiimsan ee wadan leeyahay. Sababta oo ah Bankiga dhexe wuxuu saamayn wayn ku leeyahay gabi ahaanba ganacsiga wadanka, maalgashiga, Shaqo abuurka, Sharciyeynta iyo hagidda bankiyada gaarka ah iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya ka ganacsiga lacagaha. Jaangoynta sicirka lacagaha, kharashka ay isticmaalayaan iyo qaababka ay u adeegsadadaan ummadda dalkaa ku nooli, waxa intaa dheer kharashaadka dawladda wadanka. Shaqooyinka ugu waaweyn ee Bankiga dhexe qabto waxa lagu soo koobi kara qodobadan:
b) In uu fuliyo siyaasadda lagu maamulo lacagaha suuqa ku jira iyo siyaasada jaangoynta sicirka lacagaha.
t) Maamulka daymaha qaranku galo.
j) La socodka suuqyada Bankiyada.
x) In Bangi u noqdo dawladda iyo Bankiyada kaleba Bankiga ay adeegsadaan.
kh) In uu noqdo hay’adda badbaadisa hadii Bankiyada kale kacayaan/musallafayaan.
Hadaba su’aashu waxay tahay saamaynta sicirka lacaguhu ku leeyahay dhaqaalaha wadan waa maxay? Dhaqaalayahannadu waxa ay il gaara inta badan ku eegaan sicirka lacagaha sababta oo ah sicirka lacagaha oo saamayn wayn ku leh badeecadadda la soo dejiyo iyo ta la dhoofiyo. Waana hab ka mid ah hababka lagu cabiro tartanka dhaqaale ee wadan kula jiro wadamada kale ee qayrkii ah. Tusaale kooban oo arrintaa inoo cadaynaya aan usoo qaadano wadanka China oo ku caan ah dhiirigelinta badeecadda uu dibada u dhoofiyo.
Waxaa hubaal ah in kobaca dhaqaalaha China uu ku tiirsanyahay badeecadda uu dibada u dhoofiyo oo aad uga badan inta uu dibada kala soo dego. Si uu wadanka China u dhiiri galiyo in badeecad badan ay dalkiisa ka dhoofto, waxa Bankiga dhexe ee China (People’s Bank of China) hoos u dhigaa qiimaha sicirka lacagta dalka (Renminbi). Talaabadani waxa ka dhasha in qiimaha alaabta China lagu sameeyaa ay aad uga jabnaato alaabta lagu sameeyo wadamada kale. Waxaa bilaabma in wadamada kale alaabta China ku soo daldashaan qiimo jaban. Hoos u dhigida qiimaha lacagta China keli ma jabiso qiimaha soo saarka alaabta China lagu sameeyo, waxa kale oo ay dadka ku dhaqan wadanka China ku qaali garaysaa alaabaha lagusameeyo wadamada kale. Tanina waxa ay ku dhiiri gelisaa dadka China in ay iibsadaan alaabta lagu sameeyo wadanka gudihiisa.
Hadaba alaabta dibada loo dhoofiyo oo korodhaa maxay faa’iido dhaqaalaha u leedahay? Shirkadihii wadanka gudihiisa ku yaalay marka ay kordhiyaan xadiga alaabta ay dibada u dhoofiyaan waxaa bilaabmaysa in shirkadu maalgashi badan dib ugu celiyaan wadanka si ay u daboolaan baahida kordhaysa ee suuqyada dunidu u qabaan badeecadahooda, waxa kale oo maalgashigoodaasi dhaliyaa shaqooyin cusub oo u abuurma dadka. Shaqaalaha badan ee la qaatay laftoodu qayb ka mid ah dakhligooda waxa ay dib wax uga iibsadaan shirkadaha wadanka, taasina waxa ay sababtaa in shirkadihii kordhiyaan xadiga alaabta ay soo saaraan si ay u daboolaan baahidan cusub ee wadanka gudihiisa ka korodhay. Sidaas ayay ku socotaa dhaqaalaha dalkaasina ku koraa.
Hadaba Somaliland ayay lacagta Dollar-ku saldhig u noqotay dhaqaalaha dalka, in lacagta Somaliland Shilling-ku ay ku xidhnaato Dollar-ka maaha talaabo xun laakiin waxaa dhaqaalaha ragaadinaya lacagta Dollar-ka ah ee seeska u noqotay dhaqaalihii. Sideedaba waxaa qiimaha lacagi leedahay sare u qaada dalabka lacagtaasi ee ka yimaada dadka iyo shirkadaha. Si lacagta dalkeenu qiimo u yeelato waxaa muhiim ah in wadamada kale marka ay wax inaga iibsanayaan ay ku iibsadaan Somaliland Shilling ee aanay ku iibsan lacagtooda sida aanay iyaguba u ogolayn in lacag qalaad wadankooda wax lagaga iibsado. Waxa kale oo muhiim ah in Dawlada Somaliland marka ay fulinayso mashaariic horumarineed ay ku bixiso lacagaha ay qadaraasleyaashu ku fulinayaan mashaariicdaas Somaliland Shilling.
Si uu Bankiga dhexe u hago suuqa lacagagaha, waxaa muhim ah in uu jiro suuq magaciisa la yidhaahdo Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad. Tani waxa ay u sahlaysaa Bankiga dhexe inuu gacanta ku hayn karo sicirka lacagaha qalaad iyo ta Somaliland ba. Suuqan yaa ka ganacsan doona? Waxa ay noqon doontaa in suuqan ay ka ganacsanaan: Bankiga dhexe, Dilaaliin, Xawaaladaha iyo Macaamiisha xawaalada. Waxana muujinaya qaabkuu u shaqayn doono jaantuskan:
Inta suuqan ka ganacsataa waxa ay u badnaan doontaa in ay ku wada xidhiidhaan taleefoono, fax iyo emailo. Macaamiisha xawaalada oo u badan ganacsato ayaa sarifka ka iibsanaysa xawaalada. Waa qaabka suuqani u shaqaynayee, xawaaladuhu waxa ay leeyihiin xidhiidh waana kala ganacsadaan inta badana xawaaladu waxa ay sii martaa Dilaaliinta oo aad uga warhaya sicirka suuqu marayo iyo inta xawaalad waliba ku sarifayso. Hadaba shaqada Bankiga dhexe waxa ay noqon doontaa in uu si gaara u daawado sicirka is bedbedalaaya ee suuqan. Hadii Bankigu arko in lacag badan oo Somaliland shilling ahi suuqa soo gashay wuxuu iibsanayaa shillingka Somaliland. Hadii uu arko in suuqa ay ku yaraatayna wuxuu iibinayaa shillingka Somaliland. Habkani waxa uu u sahli doonaa in Bankiga dhexe ee Somaliland gacanta ku dhigo maamulka sicirka lagaha ee dhammaan suuqyada gobollada Somaliland, waxana meesha ka bixi doona suuqyada qalaad ee suuqeenna looga jaro sicirka lacagaha qalaad.
Comments are closed.