Dawladda Turkiga Oo Qaraxii Muwaadiniinteeda Lagula Eegtay Muqdisho Ku Eedaysay Quwado Shisheeye Oo Uu Tartan Ka Dhexeeyo

0
633

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Turkiga ayaa si cad u sheegtay inay qaraxii toddobaadkan lala eegtay xarunta ay diblomasiyiintoodu ka degenyihiin Muqdisho ee Somaliya, ay ka dambeeyeen quwado shisheeye.

Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga Cemil Çiçek ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho isagoo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii laga keenay magaalada Muqdisho oo lagu daawaynayoC isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ah ee Ankara.

Çiçek ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday safaarada uu muujinayo in hawlaha bini'aadanimo ee Turkigu ka wado Soomaaliya inay khalkhal galisay awoodo aanu magacaabin.

“Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa. Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini'aadannimo iyo siyaabo kaleba" ayuu yidhi Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhunsanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jir
Waxaana uu gudoomiyaha baarlamaanku carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab oo weerarkan fulisay in la isticmaalay oo ay jiraan quwado ka dambeeya. “Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dadaallada aan ka wadno gobolka.Nasiib darrase waxay noo soo adeegsadeen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika" ayuu sii raaciyay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Dhawaaqan guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, ayaa u muuqda inay dawladda Turkigu weerarkii lala eegtay ku tuhunsantahay quwado reer galbeed ah oo uu tartan ka dhexeeyo, inkastoo ay fulinta weerarkaas sheegatay kooxda Al-Shabaab.