2012 Sannadkii Fadeexadaha Siyaasiyiinta Dunida: Xidhiidho Jinsi, Danaysi Iyo Ku Takri Fal Awoodeed (Q 1aad)

1
588

 

2Hargeysa (Geeska)- Sanad Waliba Hoodiyo Hawl Iyo Dhibaatiyo wuxuu Hadimo Leeyahay Waa Laga Helaayoo hadhow Lagu Xasuustaa… Dhacdooyinka kala duwan ee dunida inagu soo mara waxa ay galaan diiwaanka xusuusta, xilliyo dambe ayaanay iyaga oo sannado iyo taariikho ku xidhan ka mid noqdaan qisaska la xiiseeyo. Sannadkii 2012ka ayaa ka mid noqday sannadaha ugu xusuusta badan dhinaca fadeexadaha siyaasiyiinta dunida, qormadeenan maantana waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr ka mid ah fadeexadahaas.

 

– Marwada koowaad ee dalka Suuriya, Marwo Asma Asad ayaa bulshada caalamka kaga yaabisay kadib markii ay fashilantay in Tobanaan kun oo doolarka Maraykanka ah ay ku bixisay kiriimo iyo qalab yaryar oo kuwa dumarku isku qurxiyaan ah oo ay kaga dhex adeegatay internet ka xilli ay maalin kasta boqolaal ka mid ah shacabka dalkeeda oo u badan dumar iyo carruur ay u dhimanayaan madaafiicda iyo rasaasta ay ridayaan xoogagga milateriga ee odaygeeda ka amar qaataa, xeryaha qaxoontiga ee Suuriyaanku u yaaceenna ubad yaryar gaajo ugu la’anayaan. Dad badan ayaana u arkay arxan darro iyo bani’aadamnimo xumo aan laga filan karin qof damiirkiisu nool yahay. Warkan ayaa toddobaadyo haystay bogagga hore ee warbaahinta dunida.

– Fadeexad la xidhiidha gogol dhaaf ayaa sannadkii 2012ka lushay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, kadib markii hinaase uu fashiliyey xidhiidh jacayl oo ka dhexeeyey Taliyihii wakaaladda Sirta Maraykanka ee CIA Janaraal David Petraeus iyo gabadh buug ka samaynaysay taariikh nololeedkiisa oo lagu magacaabo Paula Broadwell, sirtan oo ay Broadwell fashilisay kadib markii ay farriimo hanjabaad ah internet ka uga dirtay gabadh ay ka hinaastay oo ay uga shakisnayd in uu damac ka hayo Janaraalka. Arrintan oo ku soo beegantay isla markii xilka madaxweynenimo uu markii labaad ku guulaystay madaxweyne Obama ayaa culays badan oo siyaasi ah ku keentay guriga cad, waxa aanay ku dhammaatay in uu janaraalku xilka ka dego.

http://sphotos-b.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-prn1/148588_10151317381878559_689416212_n.jpg– Qaar ka mid ah wargeysyada waaweyn ee dalka Ingiriiska ayaa sannadkan faafiyey sawirka Amiir Harry-ga dalka Ingiriiska oo qaawan. Amiir Harry waa wiilka labaad ee uu dhalay amiir Charles ka leh dhaxalka boqortooyada dalka Ingiriiska. Amiir Harry oo ah dhaxal sugaha saddexaad ayaa si qarsoodi ah sawirro looga soo qaaday isaga oo jooga mid ka mid ah hudheellada magaalada Las Vegas. Amiirku waxa uu dhar ka ahaa sidii ay hooyadii ku dhashay waxa aanu ku dhex jiray koox dumar ah. Faafinta sawirrada amiirka qaawani waxa ay fadeexad ku noqotay qasriga boqortooyada Ingiriiska, oo marar badan warbaahinta uga digay in ay faafiyaan.

http://sphotos-a.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-prn1/553354_10151317381778559_927725953_n.jpg– Sannadkii 2012ka waxaa la helay xogo xaqiijinaya in hoggaamiyihii la dilay ee dalka Libya Mucammar Alqadaafi uu ku ba’naa fara xumaynta hablaha aadka u da’da yar ee dalkiisa, buug sannadkaa soo baxay ayaa shaaca ka qaaday dhacdooyin xanuun badan oo xaqiijinaya in Mucammar Alqaddaafi uu dhowr jeer tegey jaamacadaha magaalada caasimadda ah ee Tripoli kadibna meel qarsoon laga tusay hablaha ardayda ah oo hadba midda uu ka xusho si qasab ah loogu geyn jiray meel gaar ah. Arrintan oo ahayd mid si aad u heer sarraysa loo soo agaasimi jiray ayaa la sheegay in marka uu hoggaamiyuhu hawshiisa dhamaysto, ardayadda loo geyn jiray koox dhakhaatiir takhasus sare ah oo hubiyo in ay inantu uur qaadday ama dhaawacyo kale soo gaadheen. Waxaa iyaduna jira xogo sheegaya in hoggaamiyuhu ficilladan oo kale ku samayn jiray qoysaska iyo caarka ragga siyaasadda ku caarisan si uu u dulleeyo. La soco…

Comments are closed.