Suldaan Xuseen Oo Golaha Guurtida Ku Bogaadiyay Muddo Kordhinta Ay Sameeyeen

0
507

Picture3Hargeysa (Geeska)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer  Somaliland gaar ahaan goboladda Maroodi-jeex iyo Hawd, ayaa Golaha Guurtidda ku bogaadiyay muddo kordhintii ay Isniintii toddobaadkan u sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.

 Suldaanku waxa uu sheegay in  muddo kordhinta Guurtidu samaysay ay ahayd dariiq dastuuri ah oo aan laga baydh-baydhi Karin, waxaanu xisbiyadda mucaaridka u soo jeediyay inay danta qaranka ku iloobaan muddo kordhintaasi oo uu ku sifeeyay mid duruuf iyo farsamo keentay.

 “Waxaan Golaha Guurtidda ku hambalyeynayaa muddo kordhintii ay u sameeyeen Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda, tallaabadoodu waxay ahayd mid dariiq dastuuri ah oo aan laga baydhi Karin, maadaama oo aanay dastuurka dalku aanu ogolayn in wadanku ku dhaco dawlad la’aan haddii doorashooyinku qabsoomi waayaan.

Muddo kordhintani anigu waxaan u arkaa mid duruuf iyo farsamo keentay oo waayuhu innagu dirqiyay. Waxaanse Guurtidda ku bogaadinayaa inay mawduuca muddo kordhinta dedaal u galeen sidii qaran ahaan la isula qaadan lahaa oo ay wada tashiyo bandanna la sameeyeen xisbiyadda qaranka, oo aan ka xumahay in heshiiskii asxaabtu arrintan ka wada gaadheen meel uu xiligii ugu dambeeyay ku burburay ,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Suldaanku waxa uu ugu baaqay xisbiyadda mucaaridku ay u hoggaansamaan go’aanka Golaha Guurtidda waxaannu yidhi “Waxaan leeyahay xisbiyadda mucaaridka ahi ha u Hoggaansamaan go’aanka Guurtidda oo ah mid sharci ah oo badbaadada wadanku ku jirto. Waxaan xisbiyadda mucaaridka ah ku boorinayaa inay ka waantoobaan inay  dalka ka sameeyaan banaan-baxyo nabad-gelyadeenna  qas ku soo kordhin kara.”