Somaliland Cidina Uma Roona Iyaguna Iskuma Roona

0
617

Picture2

Somaliland waxay halgan dheer oo xanuun badan u soo martay sidii ay u noqon lahayd dal xor ah oo madaxbanan laakiin waxa si kulul uga soo horjeeda oo dagaal kula jira ururo,kooxo,beelo,maamul gobaleedyo iy dawlado, oo dhaamaantood si gooni gooni ah ugu tafaxaydan inay gambiyaan ama in lagu sanduleeyo inay ahaato gobal ka mid ah Somaliya.

Xamar,Garoowe,Kismaayo,Nayroobi iyo caasimadaha dawladaha carabta marka laga reebo kuwa ay inkaartu ku dhacday ee dagaaladu ka socdaan waxa si isdaba joog ah logu qabtaa shirar  iyo doodo lagaga tashanaayo sidii Somaliland loo mijaxaabin lahaa iyo meelaha laga wareemi karo.

Qaar ka mid ah wadamada carabta iyo dawlada Turkiga Somaliya waxay siyaan hub iyo dhaqaale badan oo qaybo ka mid ah loogu talo galay in lagu qaybiyo bulshada Somaliland si loo wiiqo midnimada iyo wada jirka umadda iyo in lagu khalkhaliyo nabada iyo xasiloonida, gaar ahaan dalalka Masar,Suudaan iyo dawladaha Khaliijku waxay cadaadis iyo cidhiidhi ay ku hayaan jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool iyo ardayda wax ka barata dalalkooda iyaga oo taageeraya siyaasada Somaliya ee ka dhanka ah Somaliland.

Marka la soo kobo Somaliland dhinacyo badan waxa kaga socda dagaal. Hadaba aynu is waydiino su’aashan oo aad u muhiim ah:- Somaliland sidee ayay diyaar ugu tahay inay difaacdo midhihii halganka iyo rabhitaankii shacabka? Nacab iyo sokeeyaba wuu ogyahay Somaliland oo 24 jirsatay inay xasiloon tahay oo nabadi ka jirto amaankeeduna sugan yahay, muran kama taagna in waxoogaa horumar ah laga sameeyay dhinacyo badan haseyeeshee haddii aad loogu dedaali lahaa ama si daacad ah loogu hagar bixi lahaa wax ka sii badan ayaa la qaban kari lahaa, waxa hubaal ah inuu dalku gaadhi lahaa heer ka sii fiican oo aanu cadawgu hawaysan Karin ama ka baqdo.

Madaxweynihii 35-aad ee Maraykanka John F. Kennedy waxa uu yidhi “ I do not think we are doing enough,this is a great country, but it could be a greater country”. Hogankii iyo golayaashii la doortay waxay ka gaabiyeen inay umadda jiheeyaan iyo in maamul adag la dhiso oo sharciga loo hogaansamo, laakiin siyaasiyiinta darajada labaad ama saddexaad ( Second or third rate politicians) laga filimaayo inay curiyaan fikrado mucjiso ah oo dalka kala dabaalan kara duruufaha adag iyo marxaladan kala guurka ah.

Waxaynu ka warhaynaa wadamo Somaliland dhul ahaan ka yar oo ka khayraad yar oo shalay sabool ahaa maantana la tartamaaya dawlado waaweyn oo hodan ah, sababtuna kaliya waxay tahay nasiibkooda waxay heleen hogaan wacan. Marka musuqmaasuqa,cadaaladdarada iy dulmigu bato shacbigu kama habadaysto madaxdooda, amarkoodana uma dhago nuglaadaan.

Geesta kale Somaliland iyada ayaa isku mashquul ah hawlihii qaranka meel ayaa layska dhigay, raga ku loolamaya talada dalku ma oga warna kama hayaan dhaqdhaqaaqyada diblamaasiyadeed ee ka socda gobalka iyo saamayanta ay ku yeelankarto Jamhuuriyada Somaliland, xukuumadda madaxweye Siilaanyo xisbiyada mucaaradka ah iyo saxaafada waxay u arkaan inay yihihiin cadaw , xagooda cadaw kale ma jiro, sidaas oo kale mucaaradkuna xukuumada waxay u arkaan inay yihiin cadawga umadda, aragtidooda cadaw kaleba ma jiro.

Hadaba miyaan la odhan karin Somaliland iyada ayaa dagaal iskula jirta (Somaliland is at war with itself) murti ama maah maaha Soomaaliyeedna waxay tidhaahdaa “Rag isku qaybay rag kuma qaybaan”. Si kastaba ha ahaate khilaafka joogtada ah ee dhexdeenu iyo isxagxagashada siyaasiyiinta Somaliland waxay niyada u dhistaa ama soo dhiiri galisaa kuwa wali ku riyoonaya Soomaliweyn iyo in midnimadii la soo celiyo.

Gabogabo:- muwaadin ama jeclow ama ha jeclaan Somaliland sidan ku sii socon kari mayso meelna ku gaadhi mayso, aakhirkana waxa laga yaabaa in laynaga adkaado ama laysdhiibo hadaan la helin nidaam dawladnimo oo ka duwan ka maanta jira.

Cabdiraxmaan Cadami

abdiraxmanadami@yahoo.com