Suldaan Maxamed Xasan Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa

0
713

Picture1Hargeysa(Geeska):-Alle ha u naxariistee, waxaa xabaalaha Naasa-Hablood ee magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyey Marxuum Suldaan/Sheekh/Ganacsade Maxamed Xasan Ibraahim Fidhin oo habeen hore xanuun ku soo booday oo dhinaca Kalyaha ah ugu geeriyooday dhakhtarka weyn ee Hargeysa.

Waxaana aaskan qaran ee loo sameeyey Marxuumka ka soo qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland, guddoomiyaha Golaha Guurtida, guddoomiyaha Golaha Wakiilada, madaxweynahii hore ee Somaliland, xisbiyada qaranka, wasiiro, xildhibaano, mujaahidiin, ganacsato, madax-dhaqameed,aqoonyahan,salaadiin, cuqaal, ugaasyo, dhalinyaro iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci) oo la hadlaayey warbaahinta, ayaa sheegay in uu Marxuumku ahaa shakhsi aad u wanaagsan Illaahayn uu uga rajeynaayo in uu ka waraabiyo Janatul Fardawsa sida oo kalena uu samir iyo iimaan uu ka siiyo ehelkii, qarabadii iyo dhammaanba umadda ree Somaliland.

"Innaa-Lillaahi wa innaa-Illeyhi raajicuun, naf waliba maalinteeda ayey dhimanaysaa, waxaa maanta(Shalay) innaga baxay nin aad u qiimo badan oo tiirarkii Somaliland ah xaga dhaqan iyo xaga dhaqaaleba Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim, waan ka tacsiyadaynayaa dhammaanba umadda reer Somaliland, gaar ahaan qaraabadii uu ka baxay ee saaxiibadiisii haday tahay shirkada Telesom oo waayey xubin aad iyo aad u muhiim ah, waxaan leeyahay isagana Illaahay janada ha ka waraabiyo, inteena ka danbeysayna samir iyo iimaan ha innaga siiyo.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Saylaci.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in Marxuumku ahaa nin qaran oo ka baxay guud ahaan Somaliland, waxaan uu tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

"Marxuumka Illaahay Janadiisa ha geeyo, qof wanaagsan ayuu ahaa, Illaahay naxariistiisii ha siiyo, Illaahay qabriga ha u nuuro oo ha u waasaciyo, Illaahay janadiisa meel wanaagsan ha ka geeyo,waxaana aanu Illaahay uga baryeynaa eheladiisii, qaraabadisii iyo gidiba dhammaan reer Somaliland in uu samir iyo iimaan innaga siiyo, nin qaran ayuu ahaayee.".Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa isa Marxuumka Illaahay uga baryey in uu janatul Fardawsa ka waraabiyo.

"Waxaan dacsiyadaynayaa ninkaa weyn ee innaga baxay Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo aan geerida ku timi ka tacsiyadaynaayo Shacbiga reer Somaliland, ehelkiisii, qaraabadiisii, xaasaskiisii, caruurtiisii iyo dhammaanba umadda reer Somaliland, Illaahay ha u naxariisto isaga dhammaanteena samir iyo iimaan ha innaga siiyo.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Ciro.

Madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyey, ayaa waxaa uu Illaahay Marxuumka uga baryey in uu janatul Fardawsa ka waraabiyo, danbigiisiina uu dhaafo sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaanba umadda Somalialnd

"Illaahay ha u naxariisto Suldaanka, janadiina ha ka waraabiyo, danbigiisiina Alleh ha dhaafo. Illayna samir iyo iimaan ha ka siiyo eheladii, qaraabadii iyo dhammaanba umadda Somaliland".Ayuu yidhi Md.Daahir Rayaale.

Xoghayaha Guud ee xisbiga Ucid Naasir Qodax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii, qaraabadii iyo dhammaanba umadda Somaliland, waxaana uu Illaahay Marxuumka uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo.

"Naf waliba waa ay dhimaynaysaa, runtii aniga oo ku hadlaaya afka xisbiga Ucid, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo dhammaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim, Illaahay godka ha u nuuriyo, janatul Farawsana ha ka waraabiyo innaga samir iyo iimaan ha innaga siiyo."Ayuu yidhi Md.Naasir Qodax.

Alleh ha u naxariistee, Marxuum Suldaan/Sheekh/Ganacsade Maxamed Xasan Ibraahim Fidhin, waxaa uu sannadkii 1959kii uu ku dhashay tuulada Laan-mulaaxo oo ka tirsan gobalka Daadmadheedh, waxaana uu waxbarashadiisii hoose/dhaxe iyo sarebana uu ku qaatay gobalka Togdheer, iyada oo sida oo kalena sannadkii 2006dii deegaanka degmada Go’da weyn loogu doortay caleemo saaray in uu noqdo Suldaan, waxa kale oo uu muddo dheer soo ahaa ganacsade isaga oo hada ahaa mas’uuliyiinta ugu sareeya shirkada Telesom, isaga oo sida oo kalena ka qeyb qaatay fidinta diinta Islaamka oo uu ka mid ah culimada waaweyn ee dalka. Waxaana Alleh ha u naxariistee uu Marxuumku ifka kaga tagay, 11caruur ah iyo Laba Xaas.