Suldaan Maxamed Suldan Cabdiqaadir Oo Sheegay In Aanay Dhibaato Ku Jirin Maalgelinta Dekada Berbera

0
601

IMG_1EF4F9-9E08F4-0ADFC8-7AA4F6-CEEC96-9752F8Hargeysa  (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Odayaasha Gobolka Saaxil, oo ku saabsan dhaliilo ay u soo jeediyey Xukumadda oo ay ku dhaliileen Dekada Berbera iyo Shirkada ay ku wareejisay, waxaanu Suldaanku tilmaamay in reer gaar u leh Dekada aanu jirin, Dekadu ay ka mid tahay Dekadaha Qaranka ee Shacabka Somaliland wada leeyahay.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Shalay Shir jara’iid ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ku baaqay in aan laga hori iman horumarka Somaliland iyo Shirkadaha maalgashay ee dadka iyo dalkaba faa’iidada u leh, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya hadalkiisii ku bilaabay “Arintaas walaahi waxa aan u arkaa inay tahay arin gef ah, dhawr Dekadood oo dalku leeyahay ayaa jira, Dekad qudha oo reer maamulo in aanay jirin ayaan anigu qabaa, Odayaasha reer Saaxil waxa aan leeyahay  Madaarka Hargeysaba waad arkaysaan sida loo balaadhiyey ee siliiga loogu wareejiyey, Umadda ka shaqaysaana waa Reer Somaliland oo dhan, Reer aan ka maqnaynina meesha kuma jiro”.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhaqaale ayaa la rabaa, Umaddani nolol ayey rabtaa, Odayaasha reer Saaxil waxa aan leeyahay Shacabka wax ku biiraya, oo ka daaya cunfigan aad Dekada ku garbo duubaysaan, Dekadu waa Dekadeenii, Raggii ku dhintay Mujaahidiinti SNM ayey ahaayeen, ee meesha ka xoreeyey dadka ee in maanta la sii kala xoreeyo inaga ayey fool xumo inoo tahay, waxaan anigu odhan lahaa Dekada Berbera waa Dekadii Qaranka ee kowaad, Madaarkeedii ayey leedahay, Dekadii ayey leedahay, waxa imika inoo hadhsan oo la sameeya waa Maraakiibtii guddaha iyo Haamaha oo aad iyaga laftooda aad mooda inay dhamaystireen”.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Haamuhu waxa ay keeneen Shidaalkii la inoo keeni jiray ee aad arkayseen in Gawaadhidii oo dhan qaribay, Laabkii lagu eegayey tayadiisa, ayaa wakhtigan diyaar ah oo lagu shaqeeya, Shacabka reer Somaliland waxa aan leeyahay Odayaasha reer Saaxil horota talo ayaa inoo eeg, Xukuumadda aanu Maamulka aynu u dhiibayn iyo Madaxweynaheedii saaka waxa loo diidayo anigu garan maayo”.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa intaas ku daray hadalkiisi “Dekada shirkada la keena reer Somaliland inta bilaa camalka ah ee tahriibaysa waa lagaga kaaftoomaya hawlo badan, waxa aan leeyahay Umadda tahriibka ha ka quusatee dalka daaya cidii faa’iido soo gelinaysa”