Maraykanka Oo Safiir U Magacaabay Soomaaliya

0
643

obamaMadaxweyne Obama ayaa safiirkii ugu horreeyay ee Mareykan ah u magacaabay Soomaaliya tan iyo sannadkii 1991.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay ka turjumeyso xidhiidhka qotoda dheer ee uu Mareykanka la yeelanayo Soomaaliya iyo waliba horumarka Soomaaliya ay ka gaadhay in ay ka gudubto colaadda socotay muddada labaatanka sano ka badan.

Haddii magacaabistaasi uu ansixiyo aqalka Sanate-ka ayaa Katherine Dhanani oo ah safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya waxa ay xarunteeda noqon doontaa magaalada madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxa ay sheegtay in ugu dambeyntii ay rajaynayso in ay dib u furto safaaraddii Mareykanka ee magaalada Muqdisho marka ay xaaladda ammaan hagaagto.

Safiirka cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Soomaaliya Katherine Dhanani ayaa ah diblumaasi khibrad dheer u leh arrimaha Afrika.