Suldaan Madaxa Dhaawacyo Ka Gaadhsiiyey Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Wakiillada, Booliska Oo Aan Weli Xidhin Iyo Su’aalaha Ka Dhashay

0
586

Weerarka Suldaanku ma wuxuu Salka ku ahaa Fartii Uu Guruuje U Taagay Doorashada Shir-guddoonka Mucaaradku Hoggaamiyo ?

Hargeysa (Geeska) – Dhaawac ayaa Madaxa ka soo gaadhay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, Shalay gelinkii hore.

Xildhibaanka ayaa waxa Madaxa dhaawac ka soo gaadhsiiyey Nin lagu Magacaabo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ee inta badan ka hadla arrimaha Siyaasadda dalka.

Xildhibaanka oo ku sugnaa Agagaarka Wasaaradda Maaliyadda ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa si gaadmo dhowr jeer Budh Hangool ah Madaxa ugaga dhuftay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, taasi oo keentay inuu dhiig badan Madaxiisa ka yimaaddo, sida uu Warbaahinta u sheegay Axmed Cabdiraxmaan Cadami oo ka mid ahaa Dadka Goob-joogga ka ahaa weerarka Suldaanku ku qaaday Xildhibaan Guruuje.

Falkan oo ka dambeeyay hadallo ay Xildhibaanka iyo Suldaanku isku waydaarsadeen Warbaahinta, ayaa waxa cambaareeyay Shir-gudoonka Golaha Wakiillada, waxayna sheegeen in falkani yahay wax ku cusub Somaliland, sidaasi darteed Dawladda looga baahan yahay inay Tallaabo ka qaaddo.

Xildhibaan Guruuje oo isagana ay Warbaahintu waydiisay siday wax u gaadheen, ayaa ka warramay Xaaladdiisa, waxaanu yidhi “Saaka 9:00am (Shalay) aniga oo ku socda shaqo aanu ku lahayn golaha wakiilada, oo maraya Xarunta Gobolka Maroodijeex, oo aan telefoon ku hadlayo, ayaa ninka la yidhaahdo Saleebaan Cismaan oo maalin dhawaydna iga weeraray warbaahintu iga daba yimid, kadibna hangool uu sitay ayuu halkaa qadaadka danbe igaga dhuftay aniga oo sii jeeda oo aan arkaynin..”

Xildhibaan Guruuje waxa kale oo uu sheegay “Markii aan ku soo jeedsadayna laba jeer oo kale ayuu ii taagay (igu dhuftay), halka nabar ayaa iga gaadhay (gacanta midig) marlabaadna gacantaas (gacanta bidix) ayuu ku  burburay hangoolkii, markii intaasi dhacday dadkii ayaa nagu soo ururay isna meeshi ayuu ka carararay, hangoolkii oo jaban iyo warbixintiina waxan geeyay Saldhiga Dhexe ee Hargaysa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dil iyo xabad ayuu iigu hanjabay, oo wuxuu yidhi xabad baan kugu dhufanayaa, arintaana hay’adaha sharciga ayaan ku wargaliyay.”

Suldaanka dhibaatada geystay ayaa ka mid ah Madax-dhaqameedka u jandheedha xagga Xukuumadda, sidaasi darteed lama oga in arrintani la xidhiidho Go’aan uu Xildhibaan Guruuje kaga baxay ballan uu Suldaanka dhibka geystay hore u sheegay in Guruuje kaga baxay markii la dooranayey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee cusub.

Ballanta ayaa ahayd in Guruuje oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE uu u codeeyo Xildhibaan Faratoon oo xisbul-xaakimku la doonayey Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, balse Guruuje ayaa kama dambaystii u codeeyay dhankii Mucaaradka.

Ugu dambayn, Laamaha amaanka ayaan weli Xabsiga u Taxaabin Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo sida aynu sheegnay Suuqa dhexdiisa bud Madaxa kaga garaacay Xildhibaan Xasaanad leh oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, arrintaasi oo Dadweynuhu su’aalo badan iska waydiinayaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office