Suldaan Dhawal Oo Ku Celiyay In Hubkii La Qabtay Ahaa Mid Horeba Loo Ogaa

0
522

Picture5Hargeysa (Geeska)-Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax dhaqameedka Somaliland, gaar ahaana ah Gobolka Awdal, ayaa waxa uu ka hadlay xaalada nabadgeliyo ee Gobolka Awdal, Hubkii dhawaan lagu qabtay Gobolkaas,waxaanu sheegay in Gobolka Awdal wax amaan daro ahi ka jirin, Nabadiisuna ay sugan tahay,Hubkana uu ahaa Hub macruuf ah, oo la wada ogaa.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay aragtiisa ku aadan muddo kordhintii Golaha Guurtida iyo go’aanka Saddexda Xisbi, waxaanu xusay inuu taageersan yahay go’aanka Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu ka gaadheen muddo kordhinta, waxaanu ku baaqay in go’aankaas raalida laga wada hayey la qaato, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Sidii aanu markii hore uga hadalnay Hubkan ayaan haddana uga hadlayaa, Hubkana maaha Hub meel kale ka yimid, ee waa Hub la ogaa, oo cid walbi ogayd, Xukuumaddihii dalka soo marayna ay ka warqabeen, Gobolka Awdal-na waa Gobol la mid ah Gobolada kale ee dalka, waa Gobolka xaaladiisa Amaan iyo Nabadgeliyo aad iyo aad u wanaagsan tahay, xasiloonina ka jirto, madaama aan ka mid ahay Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland, waxaan bulsho weynta reer Somaliland kula talinayaa inay mar walba ilaashadan Nabadooda, ammaankooda iyo xasiloonidooda, inay isku xidhnadaan, oo cid walba oo wax yeelaysa iska dhex qabtaan”.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa mar uu ka hadlay muddo kordhinta Guurtidu u sameeysay Xukuumadda iyo Wakiiilada iyo go’aanka Saddexda Xisbi ayaa yidhi “Muddo kordhinta Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu sida ay ku goo’yeen, ee ay ku heshiiyeen, go’aana ku gaadheen ayaanu sax u aragnaa, oo aan taageersan ahay, in la tixgeliyo oo la isku raaco go’aankaas raalida la iskaga yahay ayaa haboon”.

Dhinaca kale Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa tacsi u diray ALLE ha u naxariiste Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim  oo Hargeysa ku geeriyooday, Suldaan Xiise Barre, oo Hargeysa ku geeriyooday iyo Chief Caaqil Ibraahim Maxamed Warsame (Shaybe), oo dhawaan ku geeriyooday Burco, waxaanu dhammaan Saddexdan Marxuum ILLAAHAY uga baryey inuu Jannada ka waraabiyo, Umadda, Ehelka, Qarabada iyo Madax-dhaqameedka Somaliland ee ay ka baxeen inuu Samir iyo Imaan ka siiyo.