Hargeysa (Geeska) – Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa ku dhawaaqay Gudida Qaban qaabada Shir Dhaqameed ay beeshaasi dhawaan qabsan doonto.
Xaflad habeen hore lagu qabtay magaalada Hargeysa, oo ay ka qayb galeen haldoorka beesha Arab, ayaa Suldaan Cumar, wuxuu kaga dhawaaqay guddi qaban qaabo oo uu sheegay inay ka shaqayn doonto diyaarinta shirkaas iyo hawlihiisa. “Arrintan aynu isugu nimid waa mid aynu wada leenahay, waana mid aynu ku doonayno in ay ku gaadhno horumar.” Ayuu yidhi Suldaanku, isagoo raaciyay, “Waxa aan doonayaa in aan halkan kaga dhawaaqo shir ay beeshu yeelan doonto guddidii qaban qaabada.
Guddidan aanu soo xulnay waxa ay diyaarin doontaa sidii uu shirku u qabsoomi lahaa, wixii ku adkaadana waxa ay kala tashan doonaan odayada iyo wax garadka.
Magacyada guddiga uu Suldaan Cumar, iclaamiyay ayaa kala ah:
Cabdiraxmaan maxamuud caraale
Cabdilaahii cabdi dalmar
Maxamuud xuseen xirsi
Axmed Ibrahim
Eng maxamed cabdi
Faysal cabdi xasan
Ibrahim maxamuud axmed (Guraase)
Cali cabdi xasan (Abushaxar)
Cabdiladiif xaji xasan
Jaamac koosaar axmed
Cabdirisaaq maxamuud xayd
Haybe Maxamed Ubaxle
Axmed Ibrahim Caydiid
Maxamed Maxamuud Aden (Adhiile)
Xuseen Cabdilaahi Dacar (Geesh)
Cabdikhaaliq Sheekh Axmed
Maxamed Cabdi Gardaase
Axmed Xasan Aadan
Cabdirisaaq Maxamuud Xarbi
Comments are closed.