Ban Ki Moon Oo Soo Jeediyay In Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado Dalka Somaliya

0
583

 

kkkkeNew York (Geeska)- Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaliya ka qaadaan, sida Xoghayaha Qaramada Midoobay soo jeediyey jimcahii.

 

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobey oo la hadlaya 15 dal ee ku jira Golaha Amaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hormariyo ciidamada Qaranka Soomaaliya, arintaani waxa ay keenaysaa in Golaha Amaanku dib uga fekero in la qaado cunoqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaas oo ay dalbatey xukuumadda Soomaaliya. Ban Ki-moon ayaa sheegay inkasta oo horumar laga gaadhey arrimaha amaanka, waxase uu sheegay in weli cabsidii amni ay Somaliya ka jirto.

Golaha amaanka ayaa ku soo rogay cunaqabataynta sannadkii 1991, si loo joojiyo qulqulki hubka ee hogaamiye-kooxeedyada markii Siyaad barre xukunka laga tuuray. Diblomaasiyiinta golaha amaanka ayaa sheegay in cunaqabatayntu wada xaajood ka socdo, welina dalalku go’aan isla gaadhin.

Madaxweynaha soomaliya iyo raysal wasaare ayaa lagu doortay doorashadii ugu horeysay soomaliya ilaa 1991-kii markii ay dawladii Somaliya dhacday.