Suldaan Cumar Oo Guddiga Doorashada Ku Eedeeyay Inay Wax Badan Iska Dhego-tireen

0
544

Hargeysa(Geeska):-Suldaanka Guud ee beelaha gobolada Hawd iyo Hargeysa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa ka hadlay diwaan gelinta codbixiyayaasha ee ka socota deegaanada gobolka Hawd.

ssssssss

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd ayaa waxa uu guddida doorashooyinka Somaliland ku eedeeyey inaanay dhagaysan wixii ay u soo jeedinayeen wakhtigii aan la gaadhin diwaan gelinta.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka hadlaya duruufaha adag ee yaala goobaha diwaan gelinta gobolka Hawd iyo talooyinka ay ka gaysteen sidii loo qaban lahaa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arinta diwaan gelintu intii aanay bilaabmin ayaanu ka hadalnay, markii la soo jaan gooyey ee la yidhi xiligaas ayaa lagu beegayaana waanu ka hadalnay markaas laftirkeedana waa nala dhagaysan waayey, markii imika la furayeyna waanu ka hadalnay oo waa nala dhagaysan waayey, waxaanu ka xishoonay inaanu nidhaahno laga dajin maayo qalabka ee inamada iyo gawaadhida la keenayba ha noqdaan anaga oo anagu somaliland xeerinayna oo aad moodo in masuuliyad gaar ahi naga saaran tahay, intaasna waxaanu xeerinayna hala arko duruufaha meesha yaala haday tahay xukuumada, xisbiyada iyo guddida doorashadaba, meeshana way yimaadeen mar iyo lababa waanay arkeen duruufaha iyo dhibaatada meesha taala, baahida loo qabo diwaan gelintana  way arkeen, dadkuna inay doonayaann inay barnaamijkan galaan way arkeen hadana jaan goyntan ay samaynayeen  waxaan u malaynayaa markii ay miisamayeen inay ka fikireen magaalooyinka waa weyn  oo magaalooyinka waa weyn marka ay dadku gafaan inay is diwaan geliyaan in xaafadaha koox wareegaysa loo sameeyo waa  macquul laakiin dad guuraya oo reer miyiya oo xiligan ay ku jiraana ay tahay xiligii ugu xumaa, meeshii ay ku soo hagaagi lahaayeen waa laga rarayaa oo hadana meel kale ayaa la gaynayaa caqliga ayey ka yara weyn tahay.”

Sidoo kale Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii wata  ayaa sheegay inaan marna laga dhagaysan talooyinka ay ka gaysanayeen hawlaha diwaan gelinta “Waxa loo baahan yahay inuu qofku xushmad sameeyo anagu ixtiraam badan ayaanu u samaynay, waxaanu samaynay inuu barnaamijkoodu u socdo laakiin iyagu dadka iyo dalka midna may ixtiraamin, wixii aanu lahayn iyo wixii aanu u sheegaynay iyo wixii aanu ka codsanaynay midna may dhagaysan, somaalida tidhaahdaa nin meeli u caday meeli ka madow iyaga waxa u cad in barnaamijku u hir galo oo fujiskaas gaaladu siinaysana ay iska gurtaan laakiin ma dareensana dhibaatada dadka haysata, waa nin gaadhi AC leh iska fuushan  iyo nin Hargeysa casiirka ku cabaya, dadkani sida ay ku nool yihiin iyo sida ay meesha ku imanayaan maba oga.”

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inaanay ogolaan doonin in hal Koox(Team) oo wareega lagaga tago deegaanada gobolka Hawd,  waxaanu mar kale yidhi “Waxaanu idin leenahay kooxdaas ha keenina, umana baahnin hadaydaan samaynayn inta xuduuda ku taxan inaad joogto ka dhigtaan 21 maalmood ee hadhay kooxdana waad la noqonaysaan, markii hore hadaanu xeerinayn somaliland oo aad idinku xeeriin waydeen  waanu idinla qaadanaynaa xeerin la,aanta, taas aad ku dhaqmaysaan ee aydaan somaliland iyo cidna danaynayn ayaanu idinla qaadanaynaa anaguna cidna danayn mayno, somaliland-na danayn mayno, waxaanu leenahay waad la noqonaysaan haddii aad yeeli waydaan nidaamkaas umadu doonayso, hadaad taas yeeli waydaan anaguna yeeli mayno.”

 Ugu  danbaynta waxa uu guddida doorashada ku war geliyey inaanay qalabkooda kaga iman goobaha diwaan gelinta ee gobolka Hawd isla markaana ay la noqdaan waxaanu yidhi “Haddii idinka sharcigiinu meel idiinku qoran yahay oo aad xaashiyo yar yar ku qorateen anagana mid ayaa noo qoran oo na faraya inaanu daasadihiina idiin soo celino,  taas ayuu  anagana na farayaa sharcigayagu, waxaan idin leeyahay waan ku cel celinayaa la noqda alaabtiina iyo caruurtiina aad meesha keenteen, hadaydaan taayada fulinayn anaguna tiina fulin mayno.”