Guddiga Afgarad Oo Farriimo U Diray Guddiga Doorashada

0
680

Hargeysa(Geeska):-  Gudida horumarinta beelaha dega deegaanda Gobalka Hawd ee lugu magacaabo (AFGARD) ayaa waxaa ay baaq fariin ah u direen  kominshanka doorashooyinka Somaliland .

wwwwwwwwwwwwww

Gudida  oo saxaafada kula hadashey  hotel Hadhwanaag ee magaalada  Hargeysa ayaa waxaa ay kominshanka doorashooyinka ugu  baaqeen in la kordhiyo wakhtiga laga soo qaadayo sanaaduuqda diwaangalinta goobaha ku  yaala meelaha xududa ah ee gobalka Hawd  .

Waxaa  ay sabab uga dhigeen gudidu  baaqoodan  aabaro xoogan oo ku dhacay dadkii rer miiga ahaa ee deganaa deegadnaasi isla markaana  sabab u noqdey in ay u guuraan dhinca dalka Ethiopia kuwaas oo maalmo ka hor   lug ku yimid goobaha ay yaalan sanaaduuqdu ee  ay deganayeen isla markaana wakhtigii sanaadiiqda laga soo qaadi lahaana uu maanta ku eegyahay iyaga oo aan wali isdiwaangalin

Ugu horeyn waxaa madasha ka Hadley gudoomiyaha gududa AFGARAD Maxamed Warsame Ducaale waxaana uu sheegay in uu masuulyiinta gudida doorashoyinka ugu baaqayo in wakhti loogu  daro goobaha ku yaala deeganada xuduuda ee gobalkaasi Hawd isagoona ka digay in  hoos loo eegi waayo  baaqaas ay soo sareen waxaana uu yidhi

“Waxaan doonaya in aan maanta ka hadlo arinta diwaangalinta ee ka socota gobalka Hawd  waxaa loogu talo galay diwaangalintu in ay socoto 28 cisho   todobaadka ugu horeeya in ay si  isdaba jog ah loo diwangaliyo isla markaana ay 30 gobood ba furnaadaan arimo farsamo awgood  todobaadkii hore afartii maalmood ee ugu  horeeyey waa ay xidhnayeen waana la wadaa ogaa sababtii ay u xidhnayeen  ,  hadaba todobadii cisho ee ugu horeeyey maanta ayaa ugu danbeysa dadkiina labadii cisho ee ugu danbeeyey ay  u suurto gashay in ay isdiwaangaliyaan oo ay soo galaan .

Markas waxaanu ku talinaynaa oo aan ka noqosho laheyn todobada gobood ee ay ugu horeyso Sayla  , Bali-Cabane , Gumar , Kaabada Bariga , Baligubadle  iyo kaabada galbeedba in ay furnaadaan isla markaana  uu qalabku sidiisii u si yaalo balse aqbali meyno in hal goob la isku geeno afar cisho  goobihii kalana  ay sugaan “ ayuu yidhi

Sidoo kale  gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka digay in gudida doorashoyinku ay  baaqoodaas ay hoos u eegi wayaan waxaana u yidhi

“ hadii ay  taasi suurtoobi weydo 24 sacadood ee soo socda waxaanu qaadi doona waxii nala gudboon” ayuu hadalkiisii ku soo koobay gudoomiyuhu

Dhinca kale waxaa isna halkaasi ka Hadley xubin ka mid  gudida AFGARAD oo lagu magacaabo Siciid Daahir Siciid  waxaana uu yidhi

“ sida uu sheegay gudoomiyuhu arintaasi waxaa ay sameeyn ku yeelaneysaa dadka deegnadasi degan  dhulku waa abaar  dad soo daalay oo soo gaajoodey oo  u soo lugeeyey  sidii ay isku diwaangalin laheeyen inta meel la soo tumo in  la yidhaahdo meel aad iska diwangalisaan  ma jirto waa arin xaqooda duudsiineysa  waxaanan leeyahay dadku qarsoomi mayaan sida qiiqa oo circa ku baabi   mayaan ee xaqooda ayey u taagan yahiin anaguna  aanu ugu hadleynaa” ayuu yidi Siciid Daahir Siciid  oo ka mid ah gudida horumarinta beelaha dega Gobalka Hawd iyo xaafada Axmed Dhagax.