Suldaan Culus Oo Ku Soo Biiray Salaadiinta Gabiley

0
765

Gabiley(Geeska)-Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali Barkhad Maxamed Waceys,oo ah Suldaanka Cusub ee Beesha Reer Xaad ee Ardaaga Jibriil Abokor ayaa khamiistii lagu caleema saarey Deegaanka Ijaara oo 8km dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

1
Munaasibadan ilyartu is qabatey oo lagu Soo bandhigay Taariikhda soo jireenka ah iyo Doorkii ay Talada Beesha Subeer-Awal kusoo lahaayeen Suldaanka la caleema saarey awoowyaashii ayaa waxa usoo laqimey Guud ahaanba kasoo Qeyb galayaashii Marti sharaftii lagu oo maamuusey

Caleemasaarka Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali Barkhad 'Macalinka' oo kamid ahaa xeerbeegtida kasoo baqoolay dhinaca Jigjiga ee aqoonta dureed u lahaa. Badhasaabka gobalka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise, Murashaxa madaxweyne ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo maayarka Gabiley iyo  siyaasiyiin kale ayaa iyaguna madasha ku sugnaa.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo ku caana shubay Cumadana u xidhay Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali Barkhad oo hadal ka jeediyay Madasha "Waxaa ii sharaf ah Maanta inaan halkan ku boqro Tafiirtii Maxamed Waceys Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali Barkhad awoowgii Maxamed Waceys wuxu ahaa haldoorkii odoyaasha iyo Cuqaasha Galbeedka ugu weyn ee hasha uu dabro aan cidi fureyn halyeygaa uu ku abtirsanayo Suldaan Cabdiraxmaan waa halyeygiisii,waxaan maanta ku caleema asaarayaa halkan, maadaama aan sexeexii u dambeeyay ee Beesha Subeer-Awal idiin hayo"Ayuu yidhi Sldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, “ Hadii Ugaaskii iga horeeyay ahaa Afarta Ilma Abokor Adeerkood Aniguna Cabdale Sacadbaan ahay, Waxaan ahay Suldaankii Sacad Muuse cidi iigu iman Mayso Suldaanka Sacad Muuse, Waxaan ku dardaarayaa Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Barkhad inuu kamid ahaado Salaadiinta Xorta ah"

Suldaan Mawliid Sabayse ayaa isna yidhi  "Suldaan Cabdiraxmaan marna waa abtigay marna waa Saaxiibkey waxaan u hambalyeynayaa Abtiyaashay Beesha Reer Xaad Cali oo aan u Caleemasaareyno

Suldaanka"Suldaan Ibraahim Jaamac Samater. "Waxa nala Gudboon inaanu u duceyno oo aanu ajiibno Munaasibada Caleemasaarka Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali Barkhad, hadaanu
nahay Salaadinta waanu u duceyneynaa oo waanu soo dhaweyneynaa"

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadalo soo dhaweyn iyo Duco isuga jira ka jeediyay Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame,Suldaan Muuse (Sanbuurad),Boqorka Beesha Ayuub ee Ducayeelka Somaliland Boqor Cali Xuseen Kaahin,Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,Mustafe Cabdi Ciise(Shiine),Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse,Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi,Cabdi

Saleebaan Gudoomiyaha

Wajaale,Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Samaale(Suldaanka ugu Faca Weyn Salaadiinta Gobolka Gabiley),Suldaan Axmed Muxumed Carablow,Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirdey,Boqor MuxumedGeele Seed,Sheekh Cabdilaahi Makaawi,Daa,uud Foodcade,Waxaana madasha
Caleemasaarka Lagu Boqrey Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cali Barkhad Gabay ka jeediyay Abwaan Cabdi Siyaaro iyo Axmed Khadar.

Jawiga Madasha Caleemasaarka oo ahaa mid bilow ilaa Dhamaad si israacsan loo daadihinayay kaftan iyo erayo Duurxul ah iyo dardaaran loo laqimayay Suldaanka Cusubna lagu jeediyay inta ugu badan ,ayaa
dareenada kooban ee dadka qaar tabayeen waxaa kamid ahaa  Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige(Balaaki), oo kamid ah Siyaasiyiinta Beesha oo qadar Xidhiidhinta Cod baahiyaha kala wareegay 'Macalinka' oo nidaam dhaqan ku hogaaminayay Munaasibada inkastoo dib loo dalbadey  'Macalinka' waxey kusoo noqotey Markii dambe Sidii Marti sharaftu ujeclaysatey habsami usocodkeeda, Waxaa Xusid gaar ah mudan Marti sharafta Madxda Dhaqanka iyo mudanta kale ee kasoo qeyb galey oo kakala yimid dalalka Dariska Djbouti iyo Kililka Shanaad, Waxaanay Munaasibadani kusoo gabagabowdey Jawi aad u wanaagsan oo siweyn looga dareemayay Baahida Culus ee Shacbiga Gabiley u qabaan Madaxdhaqameed
Da, yar oo u dhaqdhaqaaqa Xaaladaha Gobolka Gabiley iyo qadiyadaihiisa kala duwan iyadoo Wakhtgana si xoogan loo dareemayo kaalintoodii.