Suldaan Aadan Oo Ka Hadlay Doorashooyinka, Baaqna U Diray Xisbiyada, Komishanka Iyo Shacabka

0
606

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso, gaar ahaan Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dhacaan laba bilood kadib, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Komishanka, Axsaabta, Xukuumadda iyo Shacabka.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Koronaha, Abaaraha dalka ka jira iyo bisha Ramadaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa inoo guul iyo sharaf ah mar haddii aynu qabsanayno Doorashooyinkii, iyadoo aanay ciddi inaga taageerin, markii hore qaranimadeena duruufo iyo marxalado adag ayeynu u soo maraynay, si aynu dib ula soo noqono, maantana heerka wacan ee aynu dawladnimada aynu ka gaadhnay ALLE ayeynu ku mahadinaynaa, dadaalkeena ayeynu ku gaadhnay, mar haddii aynu nahay Wadan madax banaan, oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa wadan kasta oo Calaamka ka mid ah waxaynu xaq ugu leenahay Caalamku inay ina aqoonsadaan, laakiin mar haddii aynu maanta qabsanayno Doorashooyinkii Wakiilada iyo Deegaanka, oo marar badan dib inooga dhacay, laakiin maanta muxaafid iyo mucaaridba raaliga laga wada yahay inay inoo dhacaan waa inoo guul, waxaana aad iyo aad ugu rajo weyn nahay inay Doorashooyinkani inoo noqdaan Doorashooyin khayr inoogu furma, khayrna inoogu dhammaada, laakiin Xisbiyada waxaan ugu baaqay inuu tartankoodu noqdo tartan nadiif ah, musharixiinta kala duwan ee tartamayana waxaan leeyahay si fiican oo nadiifa u tartama, Komishankana waxaan leeyahay waxaan idinku ducaynayaa inuu ALLE masuuliyadaas aad qaadeen idinku asturo, oo ay idinka soo baxdo natiijo fiican oo lagu wada qanacsan yahay, ee mar walba cadaalada ogaada, Shacabkana waxaan leeyahay Musharixiinta iyo Xisbiyada ay kala taageersanaysaan si nabadgalyo iyo wanaag ku jiro u taageera, oo ka fogaado wax kasta oo dhib keenaya”.

Mar uu ka hadlaayey xanuunka covid 19 ayaa yidhi “ALLE ha inaga badbaadiyo xanuunka Koronaha, ee wacyigelintaas ay Dawladdu wado dadku si fiican ha u qaatan, oo aad ha la isku ilaaliyo, aadna looga feejignaado xanuunka Koronaha, madaamu fiditaankiisu deg deg yahay, dadka usoo ridanayanaa ay sii kordhayaan, ee ,kolay ALLE qof walba qaabku u dhimanayo iyo halku ku dhimanayo wuu sii qoray, oo cid baajin karta ajal wakhtigeedii qoran yahay ma jirto, ee xanuunkan aad aynu iskaga ilaalino”.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay abaaraha ka jira deegaano ka mid ah Somaliland, wuxuu xusay in meelo ka mid ah dalka ay roobabku ka curteen, waxaanu ALLE ka baryey in bisha ramaadaan ay soo gasho iyadoo barwaaqo lagu jiro, oo aanay jirin deegaano ay abaaruhu ka jiraan, waxaanu ku taliyey in mar walba la ogaado cabsida iyo bariyada ALLE.

 

Geeska.net/Hargeisa Office