Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Xaaladda Caafimaadka Ee Dalka, Kana Dayriyey Tayada Tacliinta Lagu Bixiyo Jaamacadaha Gaarka Loo Leeyahay

0
600
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (Geeska) – Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood ka yeeshay Arrimaha bulshada ee dalka, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo la xidhiidh la leh Nolosha bulshada.

Xildhibaannada oo Aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Qodobka ay ka doodayeen ee khuseeya Arrimaha Bulshada, ayaa qaarkood waxay si gaar ah isku dul-taageen Xaaladda Caafimaad ee dalku marayo, waxayna sheegeen in Xaaladda Covid_19 faraha ka baxday, isla-markaana dhimashadu Dadku meel sare marayso, waxayna Dadweynaha ugu baaqeen inay ku dhaqmaan Talooyinka Bahda Caafimaadka ee ah inay ka taxadaraan Xanuunka.

“Xanuunka Covid_19 Magaalada Hargeysa Dadku tarab-tarab ayay u dhimanayaan, Maalin walba waxa la aasayaa dhowr iyo toban, Maalmaha qaar bay labaatan qof gaadhaan, inta aan ka war hayo Xabaalaha agtayda.

Xanuunkii Dadka aad buu u laynayaa, Anigu waxaan odhan lahaa Shaqooyinka Dawladda iyo Dugsiyadaba hala fasaxo..” ayuu yidhi, Xildhibaan ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo ka mid ah Mudaneyaasha Guurtida oo isaguna doodda ka qayb-galay, ayaa si gaar ah uga hadlay Waxbarashada, waxaanu yidhi  “Waxbarashadii waxay noqotay Hilible, maaddada waxay ka qaataan toban dollar (Dugsiyada gaarka loo leeyahay) ama 15 dollar, markaa Dawladdu waa inay Tallaabo ka qaaddaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay, sida Jaamacadaha, 700 Qof baa ka soo baxaya (Jaamacadda) Nin dhacayaa ma jiro, koofiyadda ayuun bay qaadanayaan, waa Magac u yaal Waxbarashadii Dalku.”

 Geeska.net/Hargeisa Office