Somaliland Oo Caawa 21 Jirsanaysa Iyo Khudbadi Cabdiraxmaan-Tuur Ee 18 May

1
856

tuur oo ku dhawaaqayaHargeysa(Geeska)-Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo dib loo soo celiyay 18 May 1991, ayaa caawa koow iyo labaatan jirsanaysa (21), waxaanay umaddu u dabaal degaysa sannad guuradaas

Gobalada iyo degmooyinka Somaliland ayaa beri haddii Alle idmo si weyn looga xusayaa maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, waxaana umadda khudbad u jeedin doona Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo hadal ka jeedin doona fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa.  Shirweynihii 18 May 1991, lagaga dhawaaqay Somaliland, waxa lagu dhisay xukuumadii u horaysay ee Somaliland, halkaas oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen loogu doortay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenkii Ururkii SNM ee dalka xoreeyay, kuwaas oo muddo laba sanno ah hoggaaminta Somaliland loogu doortay si ku meel gaadh ah.

Haddaba, waxa uu Wargeyska Geeska Afrika, sannad kasta akhristayaashiisa u soo gudbiyaa nuqul ka mid ah khudbadii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) ka jeediyay Xafladii lagaga dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland, 18 May, 1991, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Sidaa uu idiin sheegay Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlada madax banaan. Taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga, waanad la socoteen shirarkii u socday dadka waqooyiga.
Ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara.

Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara.”

Haddii aanu nahay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu umadda Somaliland ku hambalyaynaynaa sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida dalka.

Comments are closed.