Sucudiga Oo Somaliya Ka Caawinaya Mashruuc 10 Sano Dib Loogu Soo Celinayo 5% Ka Mid Ah Dhalinyarada Al-Shabaab Raacday

0
540

Riyaad (Geeska)- “Maadaama oo uu yahay dal halgan adag kula jira argagaxisada, Sucuudigu waxa uu arrintan u leeyahay waayo-aragnimo muhiim ah oo uu dunida la wadaagi karo. Soomaaliya oo muddo dhibaato ka haysatay kooxo aragaxiso ihina hadda ayaa ay dalka Sucuudiga ka codsatay in uu arrintaas ka caawiyo” Masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan caddeeyey in dalkiisu uu heshiis la saxeexday shirkad Sucuudi ah oo ka caawinaysa in boqolkiiba afartan Soomaali ah laga soo siibo gacanta kooxaha argagaxisada ah.  Sidaa waxaa lagu sheegay warbixin uu baahiyey wargeyska Arab news oo uu Geeska Afrika soo turjumay.

Danjire Cabdulrasaaq Saciid Cabdi, oo ah wakiilka joogtada ah ee ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya u joogta ururka isbahaysiga Islaamka ayaa sheegay in dalkiisa ay hadda mushkilado khatar ahi ka haystaan dhinaca siyaasadda iyo amniga. Isaga oo intaas ku daray in dalkiisu uu aaminsan yahay in waxbarashadu ay tahay hannaanka ugu xooggan ee lagula dagaalami karo argagaxisada, iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha shaqo la’aanta oo qaar badan oo ka mid ah ku riixda in ay ku biiraan unugyada argagaxisada.

“Waxa aanu heshiis la saxeexannay shirkadda waxbarashada iyo tababarka oo Sucuudi ah, wakiilna uu heshiiska uga ahaa, agaasimaha guud ee shirkadda Zuhayr Bin Cali Azhar. Heshiiskani waxa u dhigayaa in shirkaddani ay gacan ka geysato sidii muddo 10 sano gudaheed ah boqolkiiba 5 ka mid ah dhalinyarada ku lug leh kooxaha argagaxisda loogu caqli celin lahaa, si ay uga hadhaan” ayaa uu yidhi danjire Cabdirasaaq oo intaas ku sii daray in hawshan ay qaadan doonto sannado.

Mashruucan fulintiisu waxa ay bilaabaysaa sannadka cusub ee foodda inagu soo haya, waqtigaas oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah u daahfuri doono. Waxa aanu danjiruhu u sheegay Arab News in wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay ku qanacday in shirkaddani ay kaalin hoggaamineed ka qaadan karto dadaalka Soomaaliya ee arrintan la xidhiidha, gaar ahaan iyada oo adeegsanaysa farsamooyinkeeda ay ka mdi tahay in ay abuurto, dugsiyo xirfadeed, iyo barnaamijyo abaabul-ka-saar iyo tababarro farsamo ah. Ujeedaduna tahay in si xasiloonida loo soo celiyo la hirgeliyo barnaamijyo shaqo abuur.

Cabdirisaaq waxa uu sheegay in ururka Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay ururrada ugu waaweyn argagaxisada dunidu uu dadka baahan uga faa’idaysto in uu ku qanciyo ajandayaashiisa isaga oo lacag ku siinaya in ay kala qayb galaan hawlaha ay wadaan.

Danjiruhu waxa uu ku adkaystay in xalka mushkiladda Soomaaliya uu ka bilowdo waxbarashada, oo abuuri karta wacyi ka soo horjeeda waxa uu ugu yeedhay aragtida madow ee kooxahan, ugu dambayntiina isaga oo ka hadlaya rajada uu ka qabo mashruuca ay fulin doonto shirkaddan Sucuudiga ah ee ay Soomaaliya la heshiisay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Haddii aanu ku guulaysanno in aanu tababar siinno boqolkiiba 5 (Ka mid ah dhalinyarada raacday Al-Shabaab) tobanka sano ee soo socda, waxa aynu ognahay in intaas ka badanna aynu ku xaqiijin karno wejiga labaad ee mashruucan”