Agaasimaha Machadka CSI Oo Kamid Noqday Golaha Sare Ee Ururka Caalamiga Ah Ee AMEPPA

0
522

2

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland  Professor Maxamed Mixile Boqore, ayaa ka mid noqday golaha sare ee urururka caalamiga ah ee AMEPPA, ka dib markii uu ka qayb galay shir Caalamiya  08 Dec 2014, ka dhacay Caasimad Wadanka Lubnan ee Bayruud,  shirkan oo ay sanadkii ba halmar ku kulmaan Ururka Bariga Dhexe ee Nidaamka iyo Maamulka Dawliga ah, ee loo soo gaabiyo (AMEPPA). Prof. Mixile ayaa halkaas ka jeediyey Cilmibaadhis Machadku ka sameeyey, faa iidooyinka tababarka iyo tayeynta shaqaaluhu u leeyinhiin dib udhiska. Iyadoo barta uu AMEPPA ku leeyahay Internetka la geliyay sawirka Prof. Mixile oo ka mid ah golaha sare ee ururka, taas oo Somaliland sumcad wanaagsan u leh.

Cilmi baadhistan oo noqotay mid aad usoo jiidatey dhamaan ka soo qaybgalayaashii shirka, taas oo keen tay inay Professor Mihileh  lagu daro Gudida Sare ee latalinta (Board of Advisors). War kaas  oo lagu soo daabacay websiteka ururkaasi leeyahay.

Iyadoo dhowaana Cilmi baadhitan lagusoo daabici doono Jaraa,ido Caalami ah oo ay ka mid yihiin ( journal of US-China Public Administration) oo ka soo baxa Wadanka Maraykanka, laguna daaboco David publishing Company. Maaha markii u horeysey ee Madaxda Machadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland ay ka qayb galaan shir Caalamiya, waxaa kan kahoreeyey oo Machadku hore uga midnoqday, shirarkoodana uga qayb galay Ururka (AAPAM) (African Association for Public Administration and Management), waxaa sidoo kale Machadku wada shaqayn laleeyahay dhowaana shirkooda ka qaybgelidoonaa Ururka Caalamiga ah ee loosoo gaa biyo (IASIA) (International Association of Schools and Institute of Public Administration).

Hadaba kamid noqoshada machadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland uu kamid noqday Ururka  Bariga Dhexe ee  Nidaamka iyo Maamulka Dawliga ah   ( AMEPPA ) oo ah shabakad dhista aqoonta iyo  xirfada, heegana u ah horumarinta nabad iyo barwaaqosooranka ee Bariga Dhexe iyada oo loo marayo nidaamka maamul Wanaaga. AMEPPA waa urur ay ka  go'an tay inuu taageero   horumarinta Ururada heer deegaan, heer gobol iyo heer caalamiba sisare loogu qaado  hawlaha adeegga dadweynaha guud ahaan  iyo Bariga Dhexe gaar ahaan.