Raila Odinga Oo Dacwad Ka Dhan Ah Doorashadoo Kenya U Gudbiyay Maxkamada Sare

0
423

 

Musharaxa  doorashada lagaga adkaaday ee dalka Kenya  ayaa gudbiyay dacwad uu ku diiddan yahay natiijada doorashada ee toddobaadkii hore ka qabsoontay Kenya.

Raila Odinga ayaa dacwaddaasi Sabtidii shalay u gudbiyay maxmadda sare ee ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi.

Isbahaysigiisa CORD ayaa sheegay in uu kalsooni ku qabo in Mr. Odinga uu ku guuleysan doono dacwadda uu gudbiyay.

Booliiska Kenya, ayaa magaalada Nairobi ku kala eryay gaaska ilmada dadka ka keena boqolaal qof oo ah taageerayaasha Raiisalwasaare Raila Odinga.

Dadka ayaa isugu yimid maxkamada sare horteeda, ka hor intii aanu  iman qareenka Raila Odinga ee dacwada racfaanka ee natiijada doorashada keenayay maxkamada.

Mr. Odinga ayaa diiday inuu oggolaado natiijooyinkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay doorashda, isagoo sheegay in ay khiyaano dhacday intii ay socotay tirinta codadka.

Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in Uhuru Kenyata uu ku guuleystay doorashadii madaxweynenimo isagoo helay 50.7 % taasoo ka kaafisay in aan la sameeynin doorasho ku celis ah.

Uhuru Kenyatta ayaa waxaa sugaysa dacwad ay qaadayso Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada, iyadoo loo haysto eedeymo la xidhiidha dagaalkii ka dhashay doorashadii 2007da. Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan kun qof.