Soonka Iyo Sixada (4): Khatarta Caafimaad Ee Saambuusaha Iyo Sida Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Loo Sameeyo

0
607

Picture6Hargeysa (Geeska)- Saambuusuhu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka xilliga Ramadaanta loogu jecel yahay dunida muslimka, qormo uu Wargeyskan Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo lagu faafiyey shabakadda Al-Carabiya ayaa tilmaamaysa in saambuusaha oo ah nooca saliidda lagu shiil, sida ay Soomaalida badankeedu u samaysato uu khatar ku yahay caafimaadka.

Cilmibaadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in mar kasta oo ay korodho tirada maalmaha qofku uu toddobaadkii saambusaha cunayaa in ay sidoo kale la korodho suurtogalnimada in ay ku dhacaan cudurrada wadnuhu. Waxa aanay ku baaqeen in saambuusaha samayntiisa loo maro nidaam caafimaad ahaan aan dhibaato keenayn. Waxa kale oo ay ku taliyeen in laga fogaado isticmaalka baradhada (Chips) diyaarsan maadaama oo xaddi badan oo saliid ah ay cabto, sidoo kale waa in hilibka saambuusaha lagu darayo laga saafo baruurta, haddii hilib digaag lagu darayana waa in laga diiro maqaarka (Diirka) khafiifka ah ee dusha kaga dahaadhan.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay ogaadeen in qofka toddobaadkii hal illaa saddex jeer cuna guud ahaan cuntooyinka la shiilaa uu boqolkiiba 18 halis u yahay in wadnuhu hawlgabo. Iyada oo haddii ay gaadho 4 illaa 6 maalmood in uu toddobaad kasta cuno ay khatartu kor u sii kacayso illaa boqolkiiba 25, haddii 7 maalmood ee toddobaadka uu qofku maalin kasta isticmaalo cuntooyin shiilan oo saambuusuhu ugu horreeyana boqolkiiba 70 waxa ay u dhowdahay in wadnuhu uu shaqada gabo.

Natiijadan naxdinta leh ee ka soo baxday daraasadda ayaa kalliftay in khubaradu ay mar kale dadka kula taliyaan in la barto isticmaalka cuntooyinka caafimaadka u fiican ee ay ku jirto khudradda noocyadeeda kala duwan iyo midhaha galka leh, sida qamandida iyo gallayda, gaar ahaan marka aan galka laga saarin (La tumin).

Mar ay xeeldheerayaashu ka hadlayeen sida ugu fiican ee loo samayn karo saambuuse aan caafimaadka dhaawacin waxa ay ku taliyeen in ay fiican tahay in cajiinka (Qooshka) laga samaynayo guriga lagu diyaarsado la laga fogaado ka sii diyaarsan ee ganacsiga loo keeno, in la isticmaalo saliidda dhirta laga sameeyo ee aan dufanka lahayn iyo in la iska ilaaliyo baradhada diyaarsan oo saliiddu ay ku badan tahay.

Ugu dambayntii khubaradu waxa ay ku taliyeen in halkii saliid lagaga shiidi lahaa ay fiican tahay in la dubo (Lagu moofeeyo mishiinka moofada ah).

Diyaariye:

Kamaal Axmed Cali

Geeska Afrika