Soonka Iyo Sixada (18): Faa’idooyinka Khudraddu U Leedahay Caafimaadka Wadnaha Iyo Sambabada

0
785

Hargeysa (Geeska)- Maadaama oo aynu weli ku gudo jirno bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaa muhiim ah in aynu is xasuusinno cuntooyinka iyo cabbitaannada faa’idada inoo leh ee ay fiican tahay in aynu cunno habeenkii iyo kuwa dhibaataynaya caafimaadkeenna. In cuntada iyo cabbitaanka dhugmo loo yeesho muhiimaddeedu waxa ay sii kordhaysaa marka ay Ramadaan sida sannadkan oo kale ku beeganto xilliga saacadaha maalintii ee la af xidhnaanayaa badan yihiin, waxa aanay dhakhaatiirtu ku talinayaan in ay waajib tahay in qofku uu hubiyo waxa ay ka kooban tahay cuntooyinka uu cunayo inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta, si uu adkaysi ugu yeesho soonka maalinnimo, caafimaadkiisana aanu dhibaato u gaadhsiin.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa ay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ku sheegtay in saacadaha badan ee soonka maalinnimadu uu keeni karo dheefshiidka oo adkaada, calool istaag iyo dhibaatooyin kale. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa noocyo ka mid ah cabbitaannada xilligan oo kale ay qofka sooman u fiican tahay in uu habeenkii cabbo:

1. Timir iyo caano: Caano aan subag lahayn iyo timir la isku qasaa waa sharaab caafimaadka u fiican, waxa uu qofku ka helaa tamar, waxa aanu ilaaliyaa in sonkorta dhiiggu aanay inta loo baahan yahay ka badan, taas oo si weyn u caawinaysa qofka sooman, maadaama oo la og yahay in maalintii ay sonkortu aad hoos ugu dhacdo, mararka qaarkoodna madax xanuun ku keento.

2. Caano muus: Muusku waxa uu hodan ku yahay maadadda Bootaasiyaamta iyo Faytamiinnada C iyo B6, in xabbad ama la xabo oo muus ah lagu qaso caano aan dufan lahayn, kadibna xilliga afurka la cabbo. Waa sharaab macaan oo soo celinaya tamarta, kana caawinayo in qofku uu maalinta xigta si dhib yar u soomo.

3. Tamaandho iyo tufaax: Sharaabka ka samaysan labadan khudradood waxa uu hodan ku yahay Faytamiinno, Xadiid iyo gas/gan. Waxa uu ka mid yahay sharaabka ay khubarada caafimaadku ku taliyaan in xilliga afurka la cabbo.

Tufaaxa iyo tamaandhada oo la isku daray kadibna lagu daray in yar oo biyo ah, dhibco liin dhanaan ah iyo malqacad malab saafiya ah, waxa uu noqonayaa sharaab fiican oo xilliga afurka qofka cabba u yeelanaya faa’idooyin badan oo nafaqo.

4. Biyaha: Ma jiro wax koobka biyaha ah kaga habboon afurka. Waxa ay khubarada nafaqadu ku tilmaamaan in sharaabkani uu jidhka qooyo, tamar badanna geliyo, isla markaana jidhka ka caawiyo dheefshiidka.