Soonka Iyo Sixada (14): Talooyin Kaa Dhowrayaa Dhibta Caafimaad Ee Ay Milixdu Keento xilliga Soonka

0
572

Picture4Beirut (Geeska)- Milixdu waxa ay lagama maarmaan u tahay cuntada oo ay macaanayso dhadhankeeda, waxa aanay ka mid tahay wax yaabaha dunida oo dhan loogu isticmaalka badan yahay. Haddaba milixda oo la og yahay in ay ku jirto maaddo ama maaddooyin waxtar u leh caafimaadka qofka ayaa la ogaaday in ay sidoo kale leedahay dhibaatooyin aad u badan oo caafimaad, gaar ahaan marka qofku aanu isu qiyaasin milixda uu cuntooyinkiisa kala duwan ku darsanayo iyo xaddiga uu maalintii jidhkiisu qaadi karo ama u baahan yahay.

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay isku waafaqsan yihiin in milixdu sababto xanuunno badan oo dunida maanta dhibaato ku haya, halka ay kuwo kalana uga sii darto, waana sababta milixda loogu bixiyey naanaysta in badan loo garan og yahay ee ah, “Sunta cad” ama “Dilaaga Cad” dhibaatada ay keento awgeed. Haddaba  waxaa waajib ah in qof kastaa uu si guud isaga xakameeyo cunista badan ee milixda.

Caadi ahaan cabbitaanka biyaha badani waxa uu jidhka ka yareeyaa milixda badan ee gasha, sidaa awgeed maadaama oo qofka soomani aanu maalintii oo dhan biyo cabbayn, biyaha uu habeenkii qaadan karaana badanaaba ka yar yihiin inta uu qaadan karayey waqtiyada aan soonka ahayn, waxaa sii badanaya khatarta ay marka horeba caafimaadka ku haysay.

Wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya shabakadda MBC waxa uu maanta akhristayaashiisa sooman la wadaagayaa talooyin dhowr ah oo qofka af-xidhan ka caawinaysa in milixda jidhkiisa ku jirtaa aanay ka badan xaddigii celcelis ahaan loo ogolaa.

– Waxaa fiican in guud ahaanba cuntooyinka xilliga soonka aad looga yareeyo milixda. Halkii milixdana lagu beddelo xawaashyada iyo geedaha kale ee udugga, dhadhanka iyo dhanaankaba cuntada gelinaya.

– Xilliga soonka iska jir in aad habeenkii isticmaasho cuntooyinka milixdu ku badan tahay oo ay ugu horreeyaan kuwa qasacadaysan sida kalluunka, fuulka, iwm.

– Ku dadaal in aad afurkaaga ku bilowdo khudradda, si aanad milixda ugu horreyn.

-Ku dadaal in aad biyo badan cabto inta u dhaxaysa afurka iyo suxuurta, , sidoo kale waxaa fiican in xilliga habeenkii aad biyo badan cabto. Sidoo kale xilliga afurka waxa aad cabtaa shurbadda, sharaabka khudradda laga miiro (Casiir) ee aan warshadaysnayn iyo caanaha, cabbitaannadaas oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaadka qofka sooman.

– Talada ugu fiicani waa in aad joogtayso in maalin kasta aad sii yarayso xaddiga milixda ah ee aad ku darayso cuntada, si naftu ula qabsato illaa aakhirka aad iska wada joojiso isticmaalkeeda.

FG: Milixdu khatar badan ayaa ay ku keentaa dadka qaba Dhiig karka.