Soomaliland Waxay U Baahan Tahay Cilaaj _Siyaasi,

0
690

Picture1Marka hore waxaan aad u salamayaa  wargeyska geeska afrika,

 Sida aynu la wada socono soomalialnd waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhinac kasta leh,hadii    xaga   caafimaadka laga eegana horumar balaadhan oo la taaban karo ayey gaadhay,

Ilma yari hadii uu bukoodo waxaa loo sameeyey intaasoo dhakhtar caruureed ah,

Xaga dumarka iyo raga waaweyna waxaa loo furay in badan oo goobo caafimaad ah,

Runtiina waa lagu reeyey marka la eego halka laga soo qaaday oo ahayd meel madhan,                        Qofka ilaahay xiska ka qaadayna waxaa loo sameeyey in fara badan oo ah goobaha lagu xanaaneeyo oo loo yaqaano (cilaaj,)  oo lagu daweeyo dawooyinka diinteenu ogoshahay,

Ilaahayna waxaan uga baryeynaa caafimaad buuxa,

Hadaba innaga oo eegayna waxyaabo badan oo inagaga soo noqday siyaasiyiinteena waxay ilatahay

Inaynu furno cilaajka siyaasiyiinteena si aynu u helno siyaasi caafimaad qaba oo mar kasta fahmi kara waxay dadkiisu doonayaan, si aanay u dhicin in uu siyaasi kastaa ku kaco waxaan caqliga fayoobi qaadi Karin,

In aynu helno siyaasi xilka uu doonayo u doonaya inuu ka helo magac kaliya oo aan odhan karno waa siyaasi xarago,

In aynu helno siyaasi aan u soo biyeysan xoolaha danyarta, xaaraana waa la ogyahay oo ninka ragganimo u haystaa xoolaha masaakiinta, intaan aakhiro la gaadhin ayaa ifka lagaga jaraa,

Isaga iyo inta uu u qaadayba,

IN la helo meel siyaasiga lagu baro saadaasaha siyaasada& iyada oo wixii maqan ilaahay ogyahay,

Maqaalkan umaan qorin in aan qofiyo cid kale toona ku dhawaco sharaftiisa ilaahay siiyey

 

ILAAHAYOOW XAQA NA WAAFAJI, SOOMALILANA   ILAALI

C,CASIIS X, XUSEEN CUMAR XAASHI