Soomaaliya: Raysal-wasaaraha Cusub Oo Soo Magacaabay Xukuumad Ka Kooban 70 Xubnood & Magacyada Dadka Reer Somaliland Ee Ku Jira

0
757

Muqdisho (Geeska) – Raysal-wasaaraha Dawladda Soomaaliya ayaa Xalay soo Magacaabay Xukuumaddiisa, taasi oo beddelaysa Xukuumaddii Raysal-wasaarihii ka horreeyay Xasan Cali Khayre.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magacaabay 27 Wasiir, kuwaasi oo isagu jira Wasiirradii Xukuumaddii hore oo uu xilalkoodii u daayey iyo Xubno cusub oo uu Magacaabay.

Xubnaha dhinaca Somaliland ka soo jeeda ee xilalkoodii loo daayey ama imika la Magacaabay waxa ka mid ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo uu u daayey Xilka Raysal-wasaare ku-xigeenka, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo xilkiisa loo daayey, Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xuseen oo xilkiisa loo daayey, Cabdillaahi Bidhaan Warsame oo loo Magacaabay Wasiirka Kalluumaysiga, Wasiirka Dastuurka oo loo Magacaabay Saalax Axmed Faarax, Wasiirka Warfaafinta Mr. Dubbe.

Xubnaha kale ee Somaliland ka soo jeeda ee xilalka looga Magacaabay Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ka mid ah Wasiir ku-xigeenka Xoolaha, dhirta iyo Daaqa, Cabdirisaaq Daahir Maxamuud iyo Cabdalle Xaaji Cali oo loo Magacaabay Wasiiru-dawlaha Qorshaynta.

Xukuumadda uu soo Magacaabay Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa guud ahaanteed ka kooban 70 xubnood, kuwaasi oo kala ah 27 Wasiir, 26 Wasiir ku-xigeen iyo 17 Wasiiru-dawle.

Waxa Xusid in xubnaha ku jiray Xukuumaddii Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre ee laga reebay Xukuumadda cusub uu ka mid yahay Wasiirkii Warfaafinta Maxamed Cabdi (Maareeye).

 Geeska.net/Hargeisa Office