Ma Wada-Hadallo Ayaa U Socda Hoggaanka Xisbiga UCID Iyo Siyaasiyiin Uu Maxamuud Xaashi Cabdi Ka Mid Yahay ?

0
913

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Shirweynihii Afraad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo siyaasiyiinta laga saaray markii Xisbiga dib u habaynta lagu sameeyay.

Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay dhici karto isla-markaana hore u dhici jirtay in Siyaasiyiinta ka cadhoodo Xisbi ay tagaan Xisbi kale, maaddaama oo Xisbiyada Somaliland isku mid yihiin, laakiin aanay xilligan jirin wax wada-hadal ah oo u socda Hoggaanka xisbiga UCID iyo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi.

Prof. Abyan oo u warramay Telefiishanka Saab ayaa ugu horrayn ka hadlay ruxankii siyaasadeed ee uu sababay Shirweynihii 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxaanu yidhi  “Wax inoo muuqdaa way jiraan, in Ruxan siyaasadeed uu jiro oo Xisbigii Kulmiye kala hufid iyo kala haadin lagu sameeyay oo Ragna bannaanka loo tuuray, Ragna ay ku soo hadheen, wayna dhici jirtay oo Axsaabta siyaasiga ahi waa isku wada mid oo Ninkii mid ka cadhoodaa mid kale ayuu tagi jiray, laakiin imika waxaanu hubno ama aan kuu sheegayo oo Wada-hadallo ah oo u socda Xisbiga UCID iyo Siyaasiyiin kale oo ka timid Kulmiye ma jirto, ama siyaasigaa aad Magacowday ha noqdo (Maxamuud Xaashi) ama siyaasiyiin kale ha noqoto.”

Abyan waxa kale oo uu sheegay in aanay xilligan jirin wax wada-hadallo ah oo u socda siyaasiyiinta uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka mid yahay ee Cadhada kaga maqan Xisbiga Kulmiye, balse ay sugayaan “Waa  wax dhici kara, wayna dhici jirtay, waanuna sugaynaa Wakhtigeeda Haddii Ilaahay idmo (Inay Wada-hadallo noo furmaan Siyaaisyiintaa)…” ayuu yidhi Axmed Cabdi Muuse (Abyan), waxaanu intaa sii raaciyey in hawlihii u diyaar-garowga doorashadu si wanaagsan u socdaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office