Soomaaliya Oo Dalkeeda Ka Caydhisay Safiirkii Iyoobiya U Fadhiyay Muqdiisho

0
157

Hargeysa(Geeska) Dowladda  Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalkeeda ka caydhinaysay safiirka Itoobiya,  iyada oo sidoo kalana sheegatay inay Xidhasyso  qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Guud ahaan waxii laysku odhan jiray somaliya.

Sidoo kalana dowladda somaliya  ayaa u yeedhatay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya

Dawlada Itoobiya Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa  sheegtay inaanay war ax war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla

Dhinaca   kale war kasoo baxay Dawlada  Saraakiil sar sare oo ka kala tirsan dawlada Somaliland ayaa sheegay in awaamiirtan aaanay  ka dhaqan gali doonin deegaanadooda.

Somaliland ayaa sheegtay in aanay  qusaynin go’aanka ka soo baxay dowladda somaliya.

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Rooda Jaamac oo la hadshay  BBC-da  ayaa  sheegtay in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid quseeya labadooda  dhinac oo kaliya ayna xoojinayaan Xidhiidhkooda.

“Itoobiya iyo Somaliland waa labada dal oo Xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo, wax lagaga hadlo Xamarna Marnaba  nama  quseeyaan,

qunsuiyada Itoobiya muddo ayey ka furnayd Hargeysa inuu xidhiidhkayagu sii  balladho ayaanu rajaynaynaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay sharci darro ugu tilmaamay heshiiskaas, wuxuuna bishii February sheegay in dalkiisu is difaaci doono haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.

Xiisadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Puntland ayaa sidoo kale soo shaacbaxday dabayaaqadii toddobaadkan, kadib markii golaha wasiirrada Puntland ay sheegeen in ay ka baxeen nidaamka federaalka ah ee dalka ayna isku maamuli doonaan si madax-banaan khilaaf ka dhashay isbedel dhanka dastuurka ah.

Tallaabada ay Soomaaliya ku cayrisay safiirka iyo xiritaanka qunsuliyadda ayaa walaac ku keeneysahalka ay ku danbeyn doonto 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira dagaalyahanada al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida