Soomaaliya Isla Maalintii Ay Xidhiidhka U Jartay Iiraan Ayuu Sucuudigu Siiyey Malaayiin Doolar

0
412

Muqdisho (Geeska)- Qoraal qarsoodi ahaa oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa fashiliyey in boqortooyada Sucuudigu ay Soomaaliya u ballan qaaday caawimo dhan 50 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Warkan oo Axaddii dorraad ay faafisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in ballan qaadka Sucuudigu uu dhacay isla maalintii ay dowladda Federalka Soomaaliya si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xidhiidhka u jarayso dolwadda ay Sucuudigu is hayaan ee Iiraan.

1

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya oo aan dafirin jiritaanka ballan qaadkaas lacageed ay sheegtay in aanay isku xidhnayn taageerada Sucuudigu siiyo Soomaaliya oo ay sheegtay in uu muddo dheer soo jiray iyo go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku qaadatay in ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jarto dalka Iiraan. Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubayr oo arrintan wax laga weydiiyeyna kama uu jawaabin. Laakiin ilo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in caawimadani ay tahay nooc abaal marin ay boqortooyada Sucuudigu u isticmaalayso kasbashada saaxiibo badan oo gobolka ah si ay ugu garabsato xin-filtanka u dhexeeya dalka Iiraan, kaas oo sii qoto dheeraaday markii dowladda Sucuudigu dad ay u dishay sababo ay argagaxiso ku sheegtay ay ku dartay wadaad Shiico ahaa, kadibna Shiicada Iiraan oo ka jawaabaysaa ay xoog ku galeen safaaradda Sucuudiga ee dalka Iiraan. Sidoo kale Sucuudiga ayaa muddooyinkan u dambeeyey wada dadaallo uu ku samaynayo isbahaysiyo iyo gaashaan-buur dowladaha Muslimiinta Sunniga ahi yeeshaan si, ay uga hortagaan dowladda Shiicada ah ee Iiraan oo la og yahay in ay siyaabo kala duwan faraha ugula jirto dhaq-dhaqaaqyada ay ku lug leeyihiin Shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool dalalka Sunniga ah, gaar ahaan dowladaha Khaliijka.

Warqad ka timid safaaradda Sucuudiga ee magaalada Nairobi dalka Kenya kuna socotay safaaradda Soomaaliya ee isla Nairobi ku taalla ayaa lagu sheegay in boqortooyada Sucuudigu ay 20 Milyan oo doolar ku caawinayso miisaaniyadda Soomaaliya ee sannadkan,  30 Milyan oo kalana ay ku maalgelinayso Soomaaliya, oo ah dal colaado iyo dagaallo rubuc qarni aafeeyey hadda ka soo kabanaya.

Warqaddan oo ku taariikhaysan isla maalintii ay Soomaaliya xidhiidhka u jartay Iiraan ayaa mar wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahiim uu ka gaabsaday in uu wax faallo ah ka bixiyo jiritaanka caawimadaas, balse waxa uu ku dooday in aanay jirin caawimo uu Sucuudigu ku bixiyey xidhiidhka ay dowladdiisu u jartay Iiraan.

Dalal badan oo Carbeed oo uu ku jiro dalka Baxrayn oo ay Shiico awood badani ku nooshahay laakiin Sunnigu xukunka hayo, kuna tiirsan caawimada dhaqaale ee Sucuudiga ayaa xidhiidhka u jaray dalka Iiraan si ay garab ugu muujiyaan dalka Sucuudiga, dalal kale oo Gacanka Carabta ka mid ah ayaa iyaguna danjireyaashoodii uga yeedhay Tahraan.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey caawimooyin dhaqaale ka hesha dalka Sucuudiga, laakiin waxaa jira dalal kale oo iyagu weli kaga gacan badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalka Turkiga iyo dalal kale oo reer galbeed ahi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Oktaaobar ee sannadkii 2015ka booqasho uu ku tegey boqorka Sucuudiga kula soo kulmay boqor Salmaan Bin Cabdalcasiis, muddo yar kadib oo ahayd dabayaaqadii sannadkii 2015kana wafti ballaadhan oo Sucuudiga ka socda ayaa booqday Soomaaliya, si ay si dheer uga sii wada xaajoodaan caawimada dalkoodu siinayo Soomaaliya.

Somaliland ayaa iyaduna maalmo yar kadib markii Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dowladda Iiraan waxa ay ku dhowaaqday in ay garab istaagayso dalka Sucuudiga, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khudbad sannadadeedkii Lixaad ee labada Gole Baarlamaan uu ka horjeediyey waxa uu dalka Iiraan ku eedeeyey in uu fad-qalallo ka wado gobolka. Laakiin lama oga in Somaliland sida Soomaaliya dhaqaale ku beddelatay xidhiidh u jarista Iiraan ama in ay wax ka helayso caawimada Malaayiinta ah ee Sucuudigu Soomaaliya kaga beddeshay eryidda Iiraan maadaama oo Sucuudigu uu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dal keliya tahay.