Soomaaliya: Al-shabaab Oo Hal Mar Dishay Ku Dhawaad 20 Qof, Gubtayna 8 Gaadhi

0
417

Soomaaliya (Geeska) – kooxda Al-shabaab, ayaa deegaanka Afar irdood oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya ku dishay dad gaadhaya 20 Qof isla-markaana gubtay ilaa 8 gaadhi oo siday Raashin.

Gawaadhida raashiinka siday ee la gubay ayaa u rarnaa degmada Maxaas iyo deegaano hoostaga, kuwaas oo Shalay gelinkii dambe ka ambabaxay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Al-shabaab ay u galeen wadada dabadeedna ay dab qabadsiiyeen.
Shalay, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar lagu dilay in ka badan 15 qof iyo gubida 8 gaadhi oo lagu gubay deegaanka Afar-Irdood oo kuyaalla inta u dhaxeysa Maxaas iyo Baladweyne.

Ururka Al-shabab ayaa saraakiil u hadlay waxay sheegeen in dadka ay dileen ahaayeen maleyshiyaadka Macaawisleyda ee dhawaan dagaalka kula galay gobolka Hiiraan.

Al-shabaab waxay sheegeen gaadiidka ay gubeen inuu sahay raashin ah u siday macaawisley ku sugan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayna jidka u galeen.
Waxay sheegeen inay 20 ka mid ah macaawisleyda ku dileen howgalkaan ayna sidoo kale kula wareegeen raashin ah aan ahayn kuwa la gubay.

Laakiiin, sida la sheegay Dadka Al-shabaab ay dileen ayaan hubaysnayn.

Dhanka kale, Dawladda Soomaaliya ayaa War-saxafadeed ay ka soo saartay weerar Al-shabaab ay ku dileen ku dhawaad 20-ka qof, ayaa ay ku sheegtay inuu ahaa weerar waxuushnimo ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay weerarka wuxushnimada ah ee kooxda Al-shabaab ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awoodin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka” ayaa lagu yidhi War-saxafadedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ficilada Al-shabaab ay muujinayaan iney tabar yareeyeen oo ayna wajahi karin ciidanka dowladda Soomaaliya oo taas badalkeedu ay dhibaateynayaan dadka rayidka ah, waxayna sheegtay iney sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in lagaga xoreeyo Al-shabaab guud ahaan dalka Soomaaliya “Waxaa naga go’an in kooxda ee Al-shabaab Waddanka oo idil laga cidhib-tiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka markhaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdan, waxayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladdooda oo u taagan in maleshiyadan dalka laga xoreeyo dalka” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

 

Geeska.net/Hargeisa Office