WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay ‘SHARCI-JEBIN’ Iyo Xadhigga Madax-dhaqameedka

0
385

Wuxuu sheegay In Xukuumaddu Sifo aan Sharci ahayn Ku Xidh-xidhay Salaadiin

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Salaadiin ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland oo Xukuumaddu dhawaan xidh-xidhay.
Salaadiinta la xidh-xidhay waxa ka mid ah Suldaan Axmed Cadde-gude oo ah Guddoomiyaha Guddiga Beelaha Gar-xajis ee Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay, xadhigga salaadiin xukuumadda Somaliland dhawaan xidhay, iyo dadkii lagu xidh-xidhay mudaharaadkii 11 August ka dhacay Magaalooyinka dalka qaarkood.
Guddoomiyaha ayaa xidhigga salaadiinta ku tilmaamay mid baal-marsan sharciga, dhaqanka iyo Diinta, isla-markaana waxa uu sheegay in qabashadooda aan loo marin nidaam sharci ah, waxaanu tilmaamay inay ka xisbi ahaan cambaaraynayaan xadhiggooda.
Guddoomiyaha Xirsi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Madax-dhaqameedka la xidh-xidhay ee folaadkoodii la qab qabtay, sida sharciga ka baxsan ee milgaha dhaqanka ka baxsan loo qab qabtay, iyada oo aan loo marin diriiqii sharciga ahaa, oo waaran iyadoon loo goosan la xidhay, ee xad gudubka ku ah dhaqankeena, sharcigeena iyo Diinteena, aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa..”
Guddoomiyaha WADDANI Xadhigga salaadiinta iyo dadkii lagu xidh-xidhay banaanbixii 11 August ayuu ku tilmaamay mid ayaan-daro ah, isaga oo Madaxweynaha ku eedeeyay inuu leeyahay sharcigaan ilaalinayaa, haddana uu isagu jabiyo shuruucda dalka “Iyadoo ay sidaa  tahay sida loo socdaa ayuu haddana Madaxweynuhu wuxuu ina leeyahay sharcigaan ilaalinayaa..”.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa Mudaharaadkii dhawaan ay taageerayaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID ka sameeyeen Magaalooyinka dalka u xidh-xidhay dad la sheegay inay boqol gaadhayaan, laakiin waxa dhawaan la siidaayey isla-markaana xorriyaddooda dib u helay illaa 49 xubnood, kuwaasi oo ay ku jireen hablo ka badan 20.

 

Geeska.net/Hargeisa Office