SOOL: 27 Qof Oo La Sheegay Inay Ku Dhinteen Dagaal Laba Beelood Dhex Maray Khamiistii Iyo Jimcihii Shalay & Wararkii U Dambeeyay

0
388

Sool (Geeska) – Khasaare laxaadle ayaa ka dhashay Dagaal Beeleed Khamiistii ka dhacay Deegaanka Dhabar-dalool oo hoos taga Holhol oo ka tirsan Degmada Xudun ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Dagaalka ayaa ka dhex qarxay laba beelood oo Walaalo ah, kuwaasi oo dagaalkoodu Salka ku hayo Ceel biyood midkood doonayso inay ka qoddo Dhabar-dalool, midda kalena diiddan tahay.

Warbaahinta ayaa soo werisay in dagaakii koowaad oo dhacay Gelinkii dambe ee Khamiistii uu sababay dhimashada Dad ku dhow 10 Ruux, waxaana jira Dad badan oo ku dhaawacmay dagaalkii Khamiistii.

Dagaalka ayaa Subaxdii hore ee Jimcihii shalay dib uga qarxay meel halkaa ku dhow, waxaana ka dhashay khasaare ka badan intii hore.

Warbaahinta Hiiraan Online, ayaa soo werisay in dagaalka oo uu ka bilaabmay Ceelka Dhabar-dalool la isku adeegsaday hubka culus, kaasi oo laga maqlayey deegaanada ku dhawdhow Dhabar-dalool.

Hiiraan waxay sheegtay in 17 qof ku dhinteen dagaalka dhacay Jimcihii Shalay, kuwaasi oo ku jiro hal Qof oo la socday Dad Nabadoono ah oo Maleeshiyaadka dagaalamaya midkood uu Rasaas ku furay markii ay isku dayeen inay la hadlaan, si ay Xaaladda u dejiyaan.

Dhaawaca labada dhinac ayaan tiradiisa la xaqiijin karin, iyadoo dhamaan Cisbitaalada magaalooyinka Laascaanood iyo Xudunba ay la tacaalayaan samatabixinta dhaawaca rasaastu ku haleeshay banaanka kulaylka badan ee ban la moodka Dhabar-dalool, waxaana ugu badan sida hawlwadeenada caafimaadku sheegayaan dhiig-bax.

Dhinaca kale, waxaa dhintay mid ka mid ah dad ergo nabadeed oo isku deyey in ay kala dhex galaan labada maleeshiyo Beelood, halka laba kalena ay dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen Dad halkaasi ku dhow.

“Rasaas ayay naga horkeeneen markaanu isku daynay in aan la hadalno, khasaare waa na soo gaadhey, laakiin waa mid aan filayney oo aan u soo dhaqaaqnay” ayuu yidhi Siciid Axmed, waxaanu intaas ku daray in ay weli hawshii nabadaynta wadaan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, inay ilaa hadda jiraan Gurmadyo ka imanaya deegaannada ay degaan Labada Beelood ee dagaalku ka dhex Qarxay, gurmadyadaasi oo xaaladda uga sii dari kara.

Waxa sii kordhaya Baaqyada Nabadeed ee labada Beelood loo dirayo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office