Soo Bixidda Buugga ‘Amiina Almufti’ Iyo Ereyada Ay Masuuliyiin Miisaan Lihi Ka Yidhaahdeen Buugga

31
3820

“Dagaal ba’an ayaa ka dhexeeya basaasiinta Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta, iyo guud ahaan dalalka Carbeed ee ku xeeran. Labada dhinacna waxa ay adeegsadaan tab iyo xeelad kasta oo sirdoon iyo wax kasta oo basaasid loo adeegsan karo oo ay awoodaan. Si ay qolaba, qolada kale uga gacan sarreyso amni ahaan, dhagaraheedana isaga ilaaliso. Waxa se ay khatartu ugu badan tahay marka basaasiinta la isu adeegsanayaa ay yihiin bani’aadam.

Runtii Amiina Almufti, waxa ay ahayd basaasad aad u halis badan oo si hagar la’aan ah ugu adeegtay MOSSAD, una fududaysay in ay ogaato siro badan oo khatar ah.

Amiina in kasta oo ay aargoosasho shakhsi ah ku gashay hawshan, haddana kama ay maqnayn dhaqan xumadii ay MOSSAD lafteedu bartay. Waana caado lagu yaqaanno MOSSAD in qofka ay dabinka basaasnimada gelinayso, ay marka hore u samayso barmadow oo ay ugu hanjabto (Blackmailing).

Waxa aan odhan karaa buuggani waxa uu xambaarsan yahay qiso basaasnimo oo aad u xiise badan. casharrada aynu ka baranaynana uu ugu horreyo; in cadowgaaga oo muwaadiniintaada adeegsadaa uu si sahal ah sirtaada u helayo, kaagana rayn karo.”

Hadalkan waxaa yidhi wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi Cirro) oo aragtidiisa ka dhiibtay buugga dhowaan Afsoomaaliga ku soo baxay ee ‘Amiina Almufti’ oo uu soo akhriyey.

Buuggan oo ah kii labaad ee ka mid ah buugaagtii sida taxanaha ah ugu soo bixi jirtay wargeyska GEESKA AFRIKA, waxa uu xambaarsan qiso sirdoon oo aad u xiiso badan, taas oo uu afka carabiga ka soo rogay Kamaal Axmed Cali. Sida magaciisaba ka muuqatana waxa uu ka warramayaa gabadha magacan leh oo ahayd, raaxo ku kor u dhalatay dalka Urdun oo qalbijabkii koowaad ee nolosheeda kala kulantay wiil Falastiini ah oo kaga baxay caashaq carruurnimo, xaaladdii nafsiga ahayd ee ay ka qaadayna sabab u noqotay in ay dhibco aad u hooseeya keento imtixaankii dhammaadka dugsiga sare.

Amiina waxa ay waxbarasho jaamacadeed u tagtay dalka Usteri, laakiin dhaqan-gaddoon ku dhacay ayaa ka fogeeyey anshixii iyo dhaqankii dhowrsoonaa ee lagu soo barbaariyey.  Waxa aanay guursatay Yuhuudi ay jeclaatay oo shardi kaga dhigay in ay Islaamka ka baxdo.

Waxa uu buuggu halkaa ka sii raacayaa sheekada geeddigii dheeraa ee nolosha Amiina u bilowday guurkaas kaddib, oo ah jidkii ku hoggaamiyey in ay MOSSAD u noqoto basaasaddii Carbeed ee abid ugu khatarsanayd. Waxa uu si waafi ah u soo bandhigayaa hawlgalladii basaasidda ahaa ee ay sida mucjisada ah ugu guulaysatay, xidhiidhkii iyada iyo madaxda reer Falastiin ee ay kalsoonida ku beeratay, cadaawaddii ay Carabta u qabtay iyo sababta kalliftay, xiisaha qaabkii uu sirdoonka Falastiiniyiintu ku fashiliyey basaasnimadeeda iyo ku soo noqoshadeedii Israa’iil.

Sheekadani waxa ay ku dhisan tahay qiso dhab ah oo marka laga tago xiisaha ku jira ee hawlaha sirdoonka, sida oo kale xambaarsan xogo dad badani aanay ka warhayn oo la xidhiidha colaadda Falastiiiniyiinta iyo Yuhuudda.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed Warancadde, ayaa sida oo kale ka mid ahaa dadka muhiimka ah ee buuggan akhriyey, isaga oo faallo kooban ka bixinayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa uu buuggani si waafi ah inoo tusayaa dhinac ka mid ah loollanka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Waa dagaalka sirdoonka iyo amniga oo aanay dad badani kaba warqabin jiritaankiisa iyo in Falastiiniyiintu ay marar badan sirdoonka ka gaadhaan guulo lama filaan ah.

Waxa kale oo uu xogo cilmi ah oo fiican siinayaa, ruux kasta oo xiiseeya cilminafsiga, gaar ahaan in uu marag u helo, saamaynta ay duruufaha nafsiga ahi ku yeeshaan dabeecadaha iyo anshaxa qofka.

Waxa uu buuggani tusaale fiican u yahay faa’iidada cilmiga ah iyo fahamka taariikheed ee laga dheehan karo turjumaadda kutubta, waxtarka leh ee ku qoran afafka ummadaha dunida innagula nool”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here