SONYO Oo Dhallinyaro Qaranjoog Iyo Qurbe Joog Ah Isugu Keentay Dood Cilmiyeedka Horumarinta Dalka 

0
591

Hargeysa (Geeska )- Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa shalay kulan ballaadhan Caasimadda Hargeysa ugu qabatay boqollaal dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah, kulankaasi oo ujeedadiisu daarnayd is dhex galka iyo wax wada qabsiga dhallinyarada reer Somaliland ee Qaran Joogga ah iyo kuwa Qurbo Joogga ah, kulankaasi oo ahaa dood cilmiyeed iyo su’aalo la iska waydiiyey sidii Dhallinyarada reer Somaliland ee Qurbaha ku nool ee dalka ku soo noqonaysa looga faa’iidaysan lahaa aqoontooda iyo xirfadahooda, looga caawin in ay dalkooda hooyo si wanaagsan ula qabsadaan oo aan la takoorin iyo sidii ay dhallinyarada dalka joogtaa door weyn uga qaadan lahaayeen is dhex gal iyo wada shaqayn dhex marta labada dhinac oo ah jiilka maanta ee qarankan u taagan.

1

Kulankaasi oo ku qabsoomay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyayaasha dalladda SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali iyo Hay’adda Wakaaladda Qurbo joogga qaranka Somaliland Mudane Cabdi Cabdilaahi Xirsi, Agaasimaha Dalladda SONSAF Md. Axmed Maxamed Maxamuud Barawaani, Agaasimaha Ururka Kalkaaliyayaasha qaranka Marwo Foosiya Maxamed, Madax-dhaqameed, Culimo iyo boqollaal dhallinyaro ah oo qaar badan oo ka mid ahi ka yimaaddeen qurbaha iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Ugu Horrayn Kulankaasi waxa kelmado muujinaya ujeedada kulankaasi ballaadhan madasha ka jeediyey Guddoomiyaha Dalladda SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali oo sheegay in dhallinyarada qurbaha wax ku baratay, kuwooda wax ku qabsaday ee nolosha guul ka gaadhay loo baahan yahay in ay qarankan ku soo laabtaan oo aan laga lahayn dhallinyarada qaranka joogtaana looga baahan yahay in aan la kala dhex galin ama aan fikrado kale la kala dhex dhigin ee ay yihiin dhallinyaro qarankan wada leh oo u midaysan sidii uu meel u gaadhi lahaa. “SONYO haddii aannu nahay waxa naga go’an in aannu xidhiidhino doorka iyo waxtarka dhallinyarada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba. Qarankan ayay wada leeyihiin dhallinyarada qaranka joogta iyo kuwa qurbaha ku nool. Waxaannu ku baaqaynaa in la mideeyo cududda dhallinyarada oo waxqabadkoodu noqdo mid xooggan maadaama dhallinyarada maantu tahay ta is badal ka samayn karta qaranka ee horumarkiisa ka shaqayn karta” ayuu yidhi Mudane Siyaad Cumar Cali.

Agaasimaha Dalladda SONSAF Mudane Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani ayaa sidoo kale dardaaran xooggan siiyey dhallinyaradii madashan isugu timid ee boqollaalka ahayd isaga oo u qeexay masuuliyadda maanta laga rabo iyo sida loogu baahan yahay dhallinyarada labada dhinac in ay u noqdaan kuwo gacmaha is haysta oo ku midaysan aqoon, waddaniyad iyo isku jiil ee aan ku kala qaybsami Karin qabaa’il iyo deegaan isaga oo ugu baaqay in ay mid u noqdaan qarankooda.

Marwo Foosiya Maxamed oo ah Agaasimaha Kalaaliyayaasha iyo Umulisooyinka Caafimaadka ee qaranka ayaa dhallinyarada la wadaagtay khibrado badan oo ku xidhiidha in ay ka mid ahayd muwaadiniinta qurbaha u qaxday ee dalka ku soo guryo noqday ee ka shaqeeya arrimaha bulshada sidaa darteed waxa ay ku Marwo Foosiya dhallinyarada ku guubaabisay in aanu jirin laba umaddood oo reer Somaliland ah ee la kala yidhaa qaran joog iyo qurbe joog ee ay yihiin ummad mid ah oo qarankan wada leh, intaa innaga maqanina tahay in duruufi dalka dibaddiisa gaysay ee ay qarankan leeyihiin iyada oo ku baaqday in la soo dhaweeyo iyana aanay dalka cid kale ku hallayn ee ay ka shaqeeyaan.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Hay’adda Qurbe joogta Somaliland Mudane Cabdi Cabdilaahi Xirsi ayaa hadal dheer oo qiimo badan oo isugu jira guubaabo iyo dardaaran iyo waliba xog warran u jeediyey dhallinyaradii madasha joogtay isaga oo sheegay in ay dhawaan qabanayaan shir ballaadhan oo qorshe loogu dajinayo dadkeena qurbaha joogta ee dalka ku soo noqonaya iyo guud ahaan siyaasad lagu hagi doono sidii shacabku dibad joog iyo dal joogba ugu midoobi lahaayeen danta guud. Waxa isna sidoo kale madasha hadalo dardaaran ah oo nuxurka kulankaasi xambaarsan ka soo jeediyey Boqor Axmed Iimaan oo ka mid ah madax-dhaqameedka dalkeena Somaliland.

Ugu Dambayn kulankaasi waxa lagu qaadaa dhigay dood cilmiyeed abbaarteedu tahay xaaladaha dhallinyarada qurbaha iyo kuwa dalka jooga, sidii ay dhallinyaradu wax u wada qabsan lahaayeen, kuwa qurbaha loo soo dhawayn lahaa ee ay dalkooda ugu shaqayn lahaayeen iyo guud ahaan sidii dhallinyaradu door midaysan u yeelan lahaayeen.