Saddexda Xisbi Oo Ka Hadlay Suurtogalnimada Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo

0
508

Hargeysa (Geeska)-Masuuliyiin ka tirsan saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay muddo kordhin  dambe ee la hadal hayo ee la sheegay in   Xukuumadda loo sameeynayo iyo siday u arkaan in mar la wada qabto ama la kala qaado Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.

1

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa iyagoo Wargeyska Geeska Afrika u waramay; ayaa ugu horeyn Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Xasan Mataan, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu doonaynin in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, waxaanu sharci daro ku tilmaamay in go’aankii Maxkamada laga hor yimaado, waxaanu yidhi “Maxkamada sare ee Somaliland waxay xukuntay  Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada in mar la wada qabto, lana qabto 28/3/2017, arinkaas wixii ka sokeeya oo dhami waa qayrul sharci, Xukuumadduna yaanay baqin, oo baqo ka sii muujin Doorashada, mar alaale markay cabsiyi gasho ayey muddo kordhino iyo wax aan  loo baahnayn ka sheekaysaa, anagu Doorasho ayaanu diyaar u nahay, in la fuliyo go’aankii Maxkamada ayaanu diyaar u nahay in Doorashaduna dib u dhacdo dooni mayno”

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo isna muddo kordhinta ka hadlaya ayaa yidhi “Aragtida Xisbiga UCID ee Doorashadu waa go’aankii ay Maxkamadu go’aamisay, marka aragtidii ayaanu wali aamisanahay kordhin aanu imika aragnaana ma jirto, laakiin Xildhibaanada Kulmiye iyo Waddani labaduba in Doorashada dib loo dhigo ayey u ololeynayaan, marka anaga mawqifkaygu waa in labadii Doorasho mar la wada qabto, xilligeediina ay ku dhacaan, arintii saami qaybsigana Xisbiyadu go’aan ayey ka gaadhayaan,marka haddii ay Doorashooyinku dib u dhacaan dimuqraadiyadii Somaliland god dheer bay ku dhacaysaa”.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye oo isna ka hadlaya muddo kordhinta la sheegayo ayaa yidhi “Muddo kordhinta maalmihii ugu dambeeyey la sheegayey ee la lahaa Madaxtooyada ayaa wada waa waxba kama jiraan, Wasiirka Madaxtooyadana waanu kulanay anaga oo Guddiyo ah waxaanu noo caddeeyey in aanay Madaxtooyadu maalin diyaar u ahayn in loo kordhiyo, hasa yeeshe duruufta jira ee ah in aanay isku qabsoomi karin labada Doorasho waa wax caddaan ah, maxaa yeelay Doorashada Madaxtooyada xeerkeedii waa diyaar laakiin qolooyinka Mucaaradka ee aan iyagu doorashada diyaarka u ahayn ayaa iyagu waxaas ku warwareegaya, Doorashada Barlamaanka wali xeerkii saami qaybsigu ma diyaarsana lagumana heshiin, waxaana muuqata in labadaas Doorasho dalka ka wada qabsoomi Karin, waxaana anigu ku talinaya in marka hore la qabto Doorashada Madaxtooyada oo aan labada Doorasho la isku camaalaqin, oo qolada Mucaaradka aanay isku xidhin labada Doorasho ee ay isku diyaariyaan Doorashada  diyaarka ah, ta kalena wakhti la siiyo si looga bogto saami qaybsiga, haddii Dastuurka la furayaana wakhti loo helo, xal qarana loo raadiyo.”