SONYO Oo Agabkii Ciyaareed Ee Ugu Badnaa Guddoonsiisay 70-Kooxood Oo Ka Dhisan Gobolada Somaliland

0
783

Picture2Hargeysa (Geeska )- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa deeqda agabkii ciyaareed ee ugu badnaa abid Guddoonsiisay Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland oo uu weheliyo xidhiidhka olombikada qaranka Somaliland, Agabkaa ciyaareed oo lagu wareejin doono 7-gobol oo ay si rasmi ah uga furmi doonaan dhawaan tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Xafladda Guddoonsiinta qalabka ciyaareed oo ka dhacday Hoolka Shirarka ee dalladda SONYO waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Agaasime Waaxeedka Ciyaaraha ee Wasaaraddaasi Md. Maxamed Nuux Jibriil, Guddoomiyaha xidhiidhka Olombikada Somaliland Md. Xasan Waraaba Cadde, Guddoomiyaha Dalladda SONYO, Agaasimaha SONYO iyo Isu-duwayaasha Gobolada Somaliland ee Wasaaradda Ciyaaraha iyada oo halkaasi hadalo ujeedada xafladdan daarnaa laga soo jeediyey.

Ugu Horayn Agaasimaha Dalladda ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed ayaa ka hadlay ujeedada SONYO agabkan ka leedahay iyo gobolada loogu tala galay waxaanu sheegay in qalabkan ciyaareed oo dhammays tirani ka kooban yahay dirayska kooxaha, Kubbado, Shabaagta garoomada, Koobab iyo agab kale oo badan, qalabkaasi oo loogu tala galay 70-kooxood oo ka kala dhisan 7 Gobol oo kala ah: Salal, Awdal, Gabiley, Hargeysa, Daadmadheedh, Sool iyo Sanaag. Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed waxa uu sheegay in agabkan SONYO kaga qayb qaadan doonto koobka kubadda cagta ee tartamada Bisha Ramadaan oo dhammaanba Goboladan si siman uga bilaabmi doona iyada oo hal-ku-dhigga sannadkani yahay kor u qaadka is-dhex-galka Dhallinyarada iyo Ka Hor-tagga Tahriibta. “Sharaf weyn ayay noo tahay in SONYO Agabkii ciyaareed ee ugu badnaa waligeed ay mar qudha wada guddoonsiisyo ugu yaraan 70-kooxood oo ka kala dhisan dhammaanba Gobolada Somaliland ee waaweyn iyada oo dhawaan uun ay ahayd markii aanu 12-kooxood oo ka dhisan Gobolka Saaxil u furnay tartamo ciyaareed agabkoodii oo dhammays Tirana aanu siinay, tani waxa ay qayb muhiim ah ka tahay ujeedooyinka SONYO u dhisan tahay oo ah kobcinta iyo dhiirri gelinta dhallinyarada si loola dagaalamo dhammaanba dhibaatooyinka dhallinyaradeena maanta haysta waxaanan sii wadi doonaa dadaallada aan Sports-ka gaar ahaan ku horumarinayno” ayuu yidhi Agaasimaha SONYO.

Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in SONYO maanta si weyn uga qayb qaadanayso tartamada kubadda cagta ee Bisha Ramadaan oo ay waliba dalka oo dhan muhiimad siisay markii ugu horraysay taasi oo ah dadaal ay ku xaqiijinayaan sidii looga qayb qaadan lahaa in aynu dhalinyarada wacyigelintooda iyo isku xidhkooda qayb weyn ka qaadano, isaga oo u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo uu sheegay in ay isu yihiin laba gacmood oo wada jira. Guddoomiyaha SONYO waxa uu xusay in ay laban laabi doonaan dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha maadaama ciyaaruhu si weyn uga qayb qaataan jihaynta iyo is dhex galka dhallinyarada oo ah arrin muhiimad gaar ah innoo leh. “In aan Gaadhno 7-da Gobol oo waaweyn iyo in ka badan 70-kooxood waa dadaal weyn oo SONYO wakhti iyo hanti badan ku bixisay waxaanan u baahanahay in ay qayb weyn ka noqoto ujeedada aan ka leenahay tartamada iyo dhiirri gelinta kooxaha dhallinyarada. SONYO marnaba ka daali mayso in ay dadaalkeeda sii laban laabto iyada oo dhinacyo badan dhallinyarada reer Somaliland wax looga qabanayo si aan u hello dhallinyarada dalkeena oo isku duuban dalkooda iyo dadkoodana u shaqaynaya oo aan naftooda ku biimaynayn badaha. Si aan u xaqiijino dadaalka aan ku doonayno in aan meel sare ku gaadhno waxa aan dhallinyarada tartanka bisha Ramadaan iyo guud ahaan ciyaaraha ku mashquulsan ugu baaqayaa in aan niyad sami iyo isku duubni u tartanno oo aan wakhtigeena firaaqada ku mashquulo wax danteenu ku jirto innaga oo meel uga soo wada jeedna kala qoqobnaanta, maandooriyayaasha iyo wax kasta oo dib u dhac ku ah dhallinyarada” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Xuseen Dhabbeeye oo isna madashan ka hadlay ayaa SONYO uga mahad celiyey agabka ciyaareed ee qiimaha badan ee intan le’eg ee ay maanta ku wareejiyeen waxaanu Ilaahay uga baryey in uu ku garab galo dadaalka ballaadhan ee ay ugu jiraan dhallinyarada Somaliland. Agaasime Maxamed Xuseen waxa uu sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee deeq qalab ciyaareed oo intaa le’eg la guddoonsiiyo Goboladii ugu badnaa iyo kooxihii ugu badnaa oo dhan 70 kooxood taasina muujinayso dadaalka ballaadhan ee ay SONYO ku hawlan tahay waxaanu dhallinyarada kula dardaarmay in ay iyana si habsami leh u tartamaan oo u fuliyaan ujeedooyinka ay ka leeyihiin horumarinta ciyaaraha. Agaasimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa kaloo hadaladiisii ka mid ahaa: “Dhibaatooyinka badan ee maanta dhallinyaradeena haystaa ma aha kuwo aan soo koobi karno balse ujeedadu waxa ay tahay in karaankeena inta ugu badan aan qabano si aan dalkeena iyo dhallinyaradiisa ugu hagar baxno. Qiimaha aad aragtaan agabkan maanta SONYO nagu wareejinayso iyo cadadkiisu waxa uu marag ka yahay wax-qabadka badan ee SONYO muujisay waxaanay jawaab u tahay in aanay waxba ka jirin hadalo war xumo tashiilku mararka qaar meelahaa ku qorqoraan. Hadal uma baahnin ee waxqabad ayaan u baahanahay waxaanan Hambalyo iyo Duco u soo jeedinaynaa shaqaalaha iyo madaxda SONYO ee maanta agabkan nagu wareejinaya”.

Agaasime-Waaxeedka Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Maxamed Nuux Jibriil ayaa isna SONYO uga mahad celiyey qalabkan ciyaareed oo wax weyn ka tari doona kor u qaadka tayada, niyadda iyo dareenka dhallinyarada Gobolada Somaliland isaga oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan SONYO ku barbar taagan yihiin dadaalka ay waddo. Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Olombikada Somaliland iyo Isu duwaha Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Gobolka Salal oo ku hadlayay Magaca Isu-duwayaasha Gobolada ee wasaaradda ee goob joogga u ahaa in ay qalabkan guddoomaan waxaanay masuuliyiintani iska daba mareen mahad-naq ballaadhan oo ay u soo jeediyeen SONYO iyo wasaaradda waxaanay ballan qaadeen in ay tartamada ciyaaruhu noqdaan kuwo horumar weyn sameeya oo aan khasaarin dadaalka weyn ee la galinayo.

SONYO ayaa sidoo kale dhammaanba tartamada Gobolada ee Bisha Ramadaan waxa ay wasaaradda ka caawin doontaa kharashaadka rasmiga ah ee ku baxaya qabashada kulamada ciyaareed, iyada oo dhawaan 12-kooxood oo ka dhisan Gobolka Saaxil ku wareejisay qalab ciyaareed tartamo kala duwana u furmay kaasi oo imika si rasmi ah uga socda gobolaasi Saaxil.