Gudoomiyaha KULMYE Oo Shacabka Ku Hambalyey 26 June

0
660

Picture1Hargeysa (Geeska) -Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka reer Somaliland hambalyo ku aadan xuska 26 June u diray oo ku began 54 guuraadii ka soo wareegtay markii shacabka reer Somaliand xoriyadooda ka qaateen gumaystihii ingiriiska.

Qoraal ka soo baxay xafiiska war-baahinta ee xisbiga KULMIYE ayaa la yidhi “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland xuska sannad-guurada 54-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu u rajaynayaa inay sannadkan kiisa ku gaadhaan horumar iyo aqoonsi.