Dawladda Somaliland Oo Soomaaliya Ku Eedaysay Inay Diidday Inay Is-dhaafsadaan Xogaha Amniga Ee Kooxaha Argagixisada Ah

0
512

Laascaanood (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in Dawladda Federaalka Soomaaliya diidday inuu dhex maro xidhiidh dhinaca amniga ah, si Somaliland iyo Soomaaliya iskaga kaashadaan ama isku waydaarsadaan xogahaha Amni ee kooxaha Argagixisada ah.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Dawladda Soomaaliya ee uu Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka mid yahay Madaxdeeda ay diidday inay Somaliland la yeelato xidhiidh dhinaca Amniga ah, si looga hor-tago kooxaha Argixisada ah ee dhibka ku haya amniga guud ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed  Kaahin Axmed oo khudbad ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in Somaliland u shaqayso si la mid ah Dawladaha kale ee Adduunka isla-markaana ay xidhiidh wanaagsan la yeelato Dalalka jaarka la ah, si ay iskaga kaashadaan xogaha amniga, laakiin Soomaaliya diidday inay Somaliland la yeelato xidhiidh noocaas ah.

Wasiir Kaahin oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxaanu u shaqaynaynaa sida Dalalka kale ee Adduunku u shaqeeyaan iyo in Dalalka aanu xuduudka leenahay si wanaagsan u wada shaqayno, waxaanu kari kari la’nahay oo Somaliland Maanta kari la’dahay Dadka Argagixisada ah ee iyagana dhibka ku haya, innagana dhibka innagu haya inaynu Xitaa xogtooda iska kaashano, taas bay Xitaa innagu diideen (Soomaaliya), wax wanaagsana inama yidhaahdaan, Dadkii Soomaaliyeed ee ay Madaxda u ahaayeen ayaa laftooda ku dhibban..”

Wasiir Maxamed Kaahin, wuxuu eedaymo u jeediyey Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaanu sheegay in Rooble oo muddo dheer ka shaqaynayey Somaliland uu isagu Mastaafuriyey, ka dib markii saddex Wasiir isku raaceen inaanu ahayn Qof masuul ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office