“Somaliland Waa Dalkii Ugu Horeeyey Caalamka Ee Hadal Wikileaks Baahisay Dafira”

0
488

Picture2Hargeysa(Geeska) :-Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa mar kale ka hadlay warbixintii ay dhawaan baahisay mareegta Wikileaks ee ku saabsanayd in ay xukuumadda Somaliland heshiis nidaamka Faderaalka ah ay la gashay dawlada Somaliya iyo maamul goballeedyo hoosyimaada, waxaana uu carabka ku adkeeyey in warbixinaha ay baahiso hay’adda warbaahineed ee Wikileaks aanay ahayn kuwo la dafiri karo isla-mar-ahaantaana xukuumadda looga baahan yahay in ay si fiican ay uga jawaabto.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in Wikileaks aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay Somaliland wax ka sheegto, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in Wikileaks ay soo bandhigto sheegtana siraha dawlaha waaweyn ee dunida. "Wikileaks, waxaa ay jabsadaan siraha caalamka, Somaliland waxa weeyaan dalkii ugu horeeyey caalamka ee hadal Wikileaks ay tidhi dafira 61,000 ilaa 70,000 oo dukmenti oo Sacuudigu leeyahay ayaa ay jabsadeen, warqadaas sirta ahayd ee ka soo dhex baxday ee lagaga hadlaayey faderaalka, waxaa ay ahayd warqad la diraayey, dalka Sacuudigu dee u kala hiilin maayo Somaliland, waxaad ogtihiin in Wikileaks ay horeba uga hadleen arrimo Somaliland khuseeya oo dawlada Itoobiya iyo xiliyaddii Daahir Ra'yaal iyada oo aqoonsi laga hadlaayey ayey ka hadlaayeen iyaga oo dhinaca wanaagsan ka eegaya marka Wikileaks dee Udub iyo Kulmiy uma kala hiilinayse”.Ayuu yidhi Md.Jamaal Cali Xuseen

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Wikileaks waxii ay xaqiiqdu tahay ayaa ay sheegaysaa ee dadka Somaliland yaan la mashquulin oo aan looga dhigin shabakad yar oo cid walba ay wax ku qori karto, dawladuna waxa weeye ilaa hada si fiican ugama ay jawaabin sirtii ama fashilaadii in ay dal kal faderaal la saxeexdeen"