“Yeynaan Ku Meeraysan Turusyada Baabuurta, Ee Aafadu Halka Ay Ku Jirto Ha La Doono”

0
532

Picture3Hargeysa(Geeska) :-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe), ayaa ka hadlay safaro muddooyinkii danbe ay xukuumadda Siilaanyo ugu baxday dalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga oo la hadal hayay balse baaqday.

 Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, isaga oo ugu horeyn ka hadlay aafada shilalka gaadiidka oo muddooyinkii danbe si aada u soo badanaayey, waxaana uu carabka ku dhufta in loo baahnaa in talo iyo arrin mideysan shacbi iyo dawladba laga yeesho siddii looga hortagi lahaa dhibbaatada gaadiidka.

 "Aafada la yidhaahdo shilalka gaadiidka, marka waxa aynu ognahay in cida eeda gashaa ay qofka bani-aadamka ah ay tahay, hada ayaa waxa aynu maqlaynaa markii ay shilalkii bateen in si gole ka fuul ah oo laab la kaca, xaqiiqana aan ku fadhiyin isla-mar-ahaantaana aan qeexdi, odoros, dhambalid iyo lafo gurid midna aan ku qotomin ay nimankii mas'uuliyiinta ahaa ee xukuumaddan ka tirsanaa ee arrimahaas qaabilsanaa inta ay shaahadaha soo fadhiistaan ay leeyihiin baabuurta waa in Turusyada laga gooyaa, siddii oo ay Turusyadani wax nool yihiin oo abaabuurta doon doonta oo dabadeedna baabuurta qaliba, mushkiladdu maaha mushkilad xukuumadda haysata, waa mushkilad dad iyo dalba haysata, waa mid ay tahay in inta la iskaga yimaado la derso oo la doono mushkiladda shilalku halka ay ku lug leedahay, mushkilada shilalku Turusyada kuma lug laha.”.Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Mushkiladda shilalku waxaa ay ku lug leedahay bani-aadamka, adduunyada waxaad arkaysaa baabuur intaas isjiidayada oo waaweyn iyo tareeno dhaadheer oo biro iyo silsilado badan isku jiidaya, xawaaraha ay doonaana waa ay ku socdaan hadana cid waxba kuma noqoto, hadaba waxaanu dawlada ku baraarujinaynaa qaar baa maalin walba shaashadaha taagan oo leh waxbaa ay qabatay, waxbaa ay qabatay, si wax loo qabto waxaa loo baahan yahay in dhugmo iyo fiiro loo yeesho, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha bileysku inta ay fadhiistaan oo ay dadka u yeedhaan shilku cid kuma dhacee dadka oo dhan ayaa uu halis u yahay oo qoysaska oo dhan ayaa uu aabo tiraayo uu hooyo tiraa oo uu ubad tiraaye ha la fadhiisto, ha laga wada hadlo, maxaa sababa ma wadada, dirawalada, ma kan sii socda ma kan soo socda yeynaan ku meeraysan Turusyada baabuurta e' aafadu halka ay ku jirto ha la doono oo xil kasnimada iyo dawladu halka ay ku jirtaa waa halkaas, waa salka oo la dhigo, shilalka oo la tira koobo, sababaha ay u dhaceen oo la eego iyada oo qeexid iyo lafo gur lagu samaynaayo oo sidaas ayaa xeerarka iyo go'aamada lagu sameeyaayee inta la iska soo kaco siddii dhidar danab ku kacay uun la iskama yidhaahdo baabuurta Turusyada ha laga fujiyo.”.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ugu danbeyntii waxaa uu ka hadlay, hadalka safarada ay xukuumaddu muddooyinkii danbe ugu baxaysay dalalka Carabta, isaga oo tilmaamay in aan dalalkaas loo tegin wax khuseeya danaha ummadda Somaliland balse loo aado dilaalnimo.

"Haddii danta Somaliland la doonayo, danta Somaliland iyo aayaheedu Sacuudiga, Dube iyo Abu-dubey ma yaaliin, xaqiiqadu waa taas, danta Somaliland meel kale ayaa ay taalaayee, ha laga doono, hadaad maqasho Dubey ayaa la tagey iyo Abu-dabey ayaa la tegay iyo Sucuudiga ayaa la tagey, waa dilaalnimo iyo wax aan danta ummad Somaliland ahayn.”.Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.