“Somaliland Cidna Marti Ugama Aha Inay Hawadeeda Xukunto”

0
492

Sacad Cali shireHargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah Md. Sacad Cali Shire, ayaa  ka hadlay Hawada Somaliland ee la sheegay in Somaliya lagu wareejiyey, waxaanu tilmaamay inaanay Somaliland hawadeeda cidna u dabo fadhiisanayn.

Wasiirka Qorsheynta Somaliland Sacad Maxamed Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa mar uu wasiirku weydiiyay sida uu arrintan u arko, wuxuu yidhi  “Inaga mawqifkeena guud waa in Baddeena, Hawadeena iyo Dhulkeena iska leenahay, cidna lama qaybsano cidna marti ugama nihin, cid kalena lama weydiiyo Baddeena, Hawadeena iyo Dhulkeena, oo Dastuurkeena ayey ku qoran tahay, Hawadeena inaga ayaa xukuna, Somaliyana ma xukunto, Wadan kalena ma xukumo, cidii soo galaysa, cidii isticmalaysa iyo cidii ka baxaysaba inaga ayaa iska leh fasaxeeda, sidoo kale Baddeena iyo Dhulkeenuna waa la mid,”.

Wasiir Sacad Maxamed Shire ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Wadan walba xad ah Dhul, Biyo iyo Hawo ayuu leeyahay, wixii xadkeena ah iyo xadkii la inagaga tagay 1960-kii, inaga ayaa ka talinayna, oo xornimada aynu la soo noqonay ayey qeyb ka tahay, waana in aanay cidina inala wadaagin waxyaabaha caynkaas oo kale ah, ee inoo gaarka ah, qoladan Xamar joogta inaga oo dhan ayey ina sheegtaan hawo iska daaye, balse xaqiiqdu waxa weeye inaga ayaa xukumana hawadeena, badeena iyo dhulkeenaba, Caalamkuna waa inuu sidaas inagula socodo oo uu ku ogaado.”