Dood Adag Oo Ka Dhalatay Sawir Uu Leeyahay Madaxweyne Cigaal Oo Ay Baahisay Safaaradda Dawladda  Maraykanku Ku Leedahay Muqdisho

0
1078

Muwaadiniin Reer Somaliland Ah, Ayaa Ka Cadhooday Qoraal Taariikheed Ay Safaaraddu Raacisay Sawirka ay baahisay,

Muqdisho (Geeska) – Safaaradda Dawladda Maraykanku ku leedahay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa baahisay Sawirrada Madaxweynihii labaad ee Somaliland Alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ay weheliso Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Sawirkan ayaa la qaaday 6-da Bisha October 1969-kii, xilligaas oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Raysal-wasaarihii Jamhuuriyaddii Soomaaliya uu safar ku tagay dalka Maraykanka, isaga oo ay wehelinaysay xaaskiisii Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Sawirka Safaaraddu baahisay oo aan cusbayn, ayaa waxa ku wehelinaya Madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Johnson oo soo dhaweeyay Weftiga uu hoggaaminayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Qoraal kooban oo Safaaraddu ku ladhay Sawirka ay baahisay ayay ku tidhi “Oktoobar 6, 1969, Raysal-wasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa safarkiisii ??labaad ku tagay dalka Mareykanka. Raysal-wasaaraha iyo Xaaskiisii Edna waxa soo dhaweeyay
Madaxweyne Johnson.”

Safaaraddu waxay sheegtay in safarkaa ka hor uu Raysal-wasaare Cigaal uu booqday Washington DC, New York iyo Magaalooyin kale oo dalka Maraykanka.

Sawirkan oo safaaraddu baahintiisa ku beegtay 6-da October oo hadda 6 Maalmood laga joogo, waxa baahintiisa Safaaraddu ku sheegtay dib u celinta Xasuusta.

Laakiin, Muwaadiniin reer Somaliland ah oo bogga Twitter-ka ee Safaaradda kaga dareen-celiyey, ayaa qaarkood ku doodeen inaan Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aanu weligii Raysal-wasaare ka noqon Soomaaliya, balse uu mar noqday Raysal-wasaaraha Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Muwaadin ka mid ah kuwa ka cadhooday qoraalka ay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho baahisay, ayaa yidhi “Maya! Maxamed X.Ibraahim Cigaal weligii ma noqon Raysal-wasaaraha Soomaaliya. Cigaal wuxuu mar ahaa Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Muwaadinkan oo Magaciisa ku soo koobay Yoonis Jr, ayaa isagoo qoraalkiisa sii wata wuxuu canaantay Cidda baahisay qoraalka iyo Sawirka doodda dhaliyey, waxaanu yidhi “Miyaa lagu shaqaaleysiiyay, mise ma jaahil baad ka tahay kala-duwanaanta (Labada Dal). Miyaanad ogayn in Marxuum Cigaal iyo Edna aanay ogolayn in lagu xidhiidhiyo taariikhda madow ee Qarankii Soomaaliyeed ee fashilmay.”

Sidaas oo kale, waxa jira dadka kale oo reer Somaliland ah oo ka cadhooday in Safaaraddu ay sheegto in Cigaal uu Soomaaliya ka noqday Raysal-wasaare, balse xilligaas ay Soomaaliya ahayd ‘Jamhuuriyadda Soomaaliya’, maaddaama oo ay xilligaa ka koobnayd laba dal oo midoobay, kuwaasi oo kala ahaa ‘Somaliland iyo Soomaaliya’.

Geeska.net/Hargeisa Office